Wasiirka Ganacsiga Oo Soo Jeediyay In Laga Faa’iidaysto Dhaamka Xumbo-weyne
April 25, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah Dr Cumar Shucayb Maxamed, ayaa ka ku taliyey in la soo dhaweeyo mashruuc walba oo horumarineed oo dalka laga hirgaliyo, waxaanu si gaar ah uga hadlay Dhaamka xumbo weyne oo uu sheegay inuu yahay mid guud ahaan Bulshada dan u ah.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Dr Cumar Shucayb Maxamed, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Mashruuc walba oo dalkeena laga hirgeliyo ama laga fuliyo inaga ayuu dan inoo yahay, dadkeena ayuu dan u yahay, in la soo dhaweeyo, oo aynu ka faa’iidaysano weeye, runtiina Mashruucan Dhaamka waa Mashruuc wax badan inoo tarayaa, Madaxweynahana waxaan uga mahadnaqayaa sida qiimaha leh ee uu horseedka uga noqday hirgelinta mashaariicaha fara badan ee uu ka midka yahay Mashruucan Dhaamkani, oo waxtar inoo leh”.