Hay’adda Xuquuqul Insaanka Ee Amnesty International Oo Ka Hor Timid Dacwad Lagu Soo Oogey Mid Ka Mid Ah Madaxda Wadamada Qaarada Africa
April 26, 2017 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa codkeeda ku
biirisay oo ka hortimid dacwada lagu soo oogay hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Zambia. Hay’adu waxay cambaaraysay dacwadaha lagu soo oogay xubnaha xisbiga UPND ka dib doorashooyinkii lagu murmay ee sanadkii hore dhacay.

Mr Hichilema ayaa la xiray ka dib markii la sheegay inuu wadada ka xiray kolonyo gawaari ah oo uu la socday madaxweynaha dalkaasi. Dacwadan lagu soo xiray hogaamiyaha mucaaradka ayaa lagu eedeeyey qaa’inul wadan dambiile ah isaga iyo xubno kale. Waxaa sidoo kale dacwadahan ka dhanka ah mucaaradka loo arkaa mid lagu aamusiinayo xubnaha mucaardka codkooda.