Kooxda Khaatumo Oo Ka Jawaabay Hadaaladii Xanafta Lahaa Iyo Hanjaabaddii Uu Wasiir Maxamuud Xaashi Warbaahinta Umariyey Beelaha Dhulbahante
April 26, 2017 - Written by Berbera Today
“Anagu 1992-kii Markii Beesha Isaaq Burco, Berbera iyo Sheekh Ku Dagaalamaysay Waanu Ka Xumayn Maantana..” Afhayeen U Hadlay Kooxda Khaatumo

Buuhoodle(Berberatoday.com0-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland ayaa dhawaan ku hanjabay inay xukuumaddu layn doonto beelaha dhulbahante ee nabadda diidan ama dhexdooda dagaalku ka socdo.
Afhayeen u hadlay maamulka Khaatumo oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka jawaabay hadalkaasi wasiirka, waxaana uu sheegay inuu hadalkaasi abuurayo naxli farabadan iyo inaan sidoo kale hanjabaadda noocaasi ahi qabanin beelo walaalo ah oo diriri u dhaxayso.