berberatoday.com
Wasiirro Xukuumadda Ka Tirsan Oo Aroosyo Kharashaad Badani Ku Baxeen Galay Xilli Gobolada Dalka Qaarkood Gaajo Iyo Xanuuno Loogu Dhimanayo+Magacyada Wasiiradaasi.
April 26, 2017 - Written by Berbera Today

Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) ayaa dhawaan aroos cusub ku galay Hargeysa,Bilawgii todobaadkan ayaa baraha bulshadu ku kulanto ee Facebook-ga iyo Twitter-ka lagu baahiyey sawirada wasiirka iyo xaaskiisa cusub oo la isku dhejiyey kuwaasoo ay dadwaynaha reer Somaliland ee baraha bulshada ku taxani siyaabo kala duwan uga hadleen, si gaar ahna waxaa arrinkaas u falanqeeyey dhallinyarta iyo aqoonyahanka.

 

Sidoo kale warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi laftiisu uu dhawaan aroos galay inkastoo aan lagu arag warbaahinta iyo barkulanka bulshada, hadana ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa arrinkaasi xaqiijiyey.

 

 

Inkasta oo guurka iyo arooskuba yahay dariiq suni aadamuhu maro, hadana wakhtiga uu ku soo beegmay guurka wasiiradan ayaa su’aal wayn la galiyey, maadama dalku uu ku jiro xaalad abaareed oo aad u adag, sicir barar xadhkaha goostay, musiibooyin dhaqaale oo aan waligeed Somaliland soo marin iyo waliba cudurro shuban biyoodku ka mid yahay oo gobolada qaarkood ka dilaacay.

 

 

Geesta kale xaaladda gobolka Buuhoodle oo uu wasiir Xaglatoosiye ka soo jeedo ayaa aad uga sii daraysa, magaaladana waxaa laga waayay dawooyinka deg-dega ah iyo xitaa biyihii ORS-ta lagu qasi lahaa haddiiba la helo.

 

 

Dhawaan ayuu Dr Cali Khaliif halkaasi geeyey dhakhaatiir muddo kooban caawimo u fidisay dadka dhibaataysan, waxaana sidoo kale halkaas ku sugan dhallinyaro reer Hargeysa ah oo iskood isu xilqaamay kuwaasoo gar-gaar caafimaad u fidinayay dadka xanuunadu soo riteen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews