berberatoday.com
Puntland Oo Ku Hanjabtay Inaan Diyaarad Ka Amar Qaadanin Fadhiisan Karin Buuhoodle Xilli Xaalad Adagi Halkaa Ka Taagan Tahay Iyo Somaliland Oo Ka Jawaabtay
April 27, 2017 - Written by Berbera Today

Buuhoodle(Berberatoday.com)-Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye), oo Shalay  Warbaahinta kula hadlay magaalada Buuhoodle, ayaa ka Jawaabay Hadal kasoo yeedhay Madaxwayne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Camey oo sheegay in Buuhoodle aysan ka Degi karin Diyaarad aan Fasax ka haysan Puntland Xili deegaanka ay ka Jirto Xaalad Adag.

Warka Koowad“Buuhoodle Diyaarada Imaanaysa, Garoowe  Fasax ugama Baahna, oo Shaqo iskuma Lihin Puntland,   Cidkasta oo Gurmadka  Ka qayb Qaadanaysa, waanu soo Dhowaynaynaa Fasaxna Meelna ugama Baahna. Reer Buuhoodle-na Maanta ayay ogaadeen Cid Xigta, Cidday is-yihiin iyo Cidda wax u ah, wax Gurmad ah oo Puntland ka yimid ma hayno, Waayo? iskuma Gurmanno Imika, markaa hana daayaan, Raalina ha ahaadaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Geelaa loogu heesaa Nina dhaqashuu kuugu dhabar-jabay, Nina Dhuunoo kuu dhex joogaa, Dhakhaatiirtaa aad arkaysaan ee Buuhoodle yimid waa Reer Hargeysa, waxa ku jira kuwo aan Maanta ka hor Hallaya soo dhaafin, markaa Somaliland dhalasho ayay Buuhoodle ugu dhaadhacday.”

Dhowaan ayaa Madaxwayne ku xigeenka Puntland, waxa uu sheegay inayna Diyaarad aan Fasax ka haysan Puntland ka degi karin Garoonka Diyaaradaha Buuhoodle, Isagoo Hor istaagay Wafdi ka socday Maraykanka oo madaxda Khaatumo ay Kasoo shaqeeyeen inay yimaadaan Deegaanka, si ay uga qayb-qaataan Gurmadka Shuban-biyoodka ka dillaacay Deegaankaasi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews