Madaxweynaha Mareykanka Oo Iminka Ku Dhawaaqey In Uu Dagaal Weyn Caalamka Ka Dhici Karo + Dalalka Uu Dhex Mari Doono
April 28, 2017 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa markale ka digay inuu billaaban karo dagaal wayn oo lala galo Kuuriya Waqooyi kaas oo salka ku haya hubka nukliyeerka ah.

Madaxweyne Trump oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxaa kale oo uu sheegay inuu door bidayo in arrintani ay noqoto mid lagu xaliyo qaab dublomaasiyadeed, balse waxaa uu daaha ka feyday in ay talaabadaasi y adagtahay.