Ciidamada Booliska Somaliland Hargeysa Oo La Sheegay Inay Xadhig Iyo Jidh Dil U Geystay Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga Waddani
April 29, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa goor-dhaweyd xabsiga u taxaabay Siyaasi
Cabdillaahi Daamur oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI iyaga oo sida oo kale na jidh dil xooggan u geystay xoghayahii garabka dhallinyarada heer qaran ee Xisbigaasi Md.Aftax Siciid Jaambiir xili ay Maxkamadda gobalka Maroodi-jeex ay u joogeen dhageysiga dacwadda siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo muddooyinkii dambe ku xidhnaa Jeelka weyn ee Hargeysa.
Illaa hada lama garanaayo sababta loo xidhay mas’uuliyiintan balse sida ay dad goob-joogeyaal ahi noo xaqiijiyeen, ayaa sheegaya in ciidamada Boolisku ay si juujuub ah gaadhiga Maxaabiista ugu tureen siyaasi Cabdillaahi Daamur halka Xoghaye Aftax oo isna garab-joogay loo geystay jidh dil aad u xooggan ka dib markii uu ciidamada weydiiyey sababta loo xidhaayo siyaasi Daamur, waxaana hada xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayaa Cisbitaalka weyn ee Hargeysa.