Daawo Muuqalka”Aas Qaran Oo Magaalada Hargeysa Loogu Sameeyey Marxuum Abwaan,Fanaan, Mulaxamayste Rashiid Bullo Ibraahim
April 29, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland maanta aas qaran loogu sameeyey Marxuum Abwaan Rashiid Bullo Ibraahim oo ka mid ah hawl wadeenada idaacada Radio Hargeysa .
Waxaa xalay goor danbe ku geeriyooday gurigiisa magaalada Hargeysa Alla ha u naxariistee Rashiid Balluu Ibraahim, oo ku caan ahaa Rashiid Bullo.
Wuxuu ahaa fannaan weyn oo muddo ka badan lixdan sano ku soo dhex jiray fanka Soomaaliyeed. Waxaa geerida Rashiid Bullo u xaqiijiyay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige wiilkiisa Rafiiq Rashiid Bullo.