Wargeyska Geeska Afrika Oo Xoggo Ka Helay Sababta Baajisay Safar La Filayay In Madaxweynaha Soomaaliya Ku Tago Addis Ababa, Cadhada Farmaajo Iyo Norway Oo Isu Soo Jiiday
May 1, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ka baaqday safar la filayay inuu khamiistii ku tago magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, isagoo toos uga soo duuli lahaa wadanka Turkiga, waxaanu jimcihii si kedis ah ugu noqday magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Itoobiya iyo Somaiya, laakiin sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaali, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa qorshaystay inuu tago magaalada Addis Ababa khamiistii 27 April, laakiin dawladda Itoobiya ayaa ku soo wargelisay isagoo Turkiga jooga in wax isbedeleen islamarkaana uu tagitaankiisa Itoobiya loo diyaar garoobi doono 3 May. Wararkan uu Geeska Afrika helay waxay sheegeen in Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu ka cadhooday talaabada Itoobiya oo uu u arkay bahdil diblomaasiyadeed, waxaanu isku dayay inuu ka dego magaalada Qaahira ee dalka Masar, isagoo ka jawaabaya talaabada Itoobiya.