Goobihii Diwaan Galinta Ee Guud Ahaa Gobolka Saaxil Oo Wali Haawanaya Oo La Layahay Cid Kaadhadhkii Qaadata Iyo Tiradii 78000ka Aheyd Oo La Filayo Inay Kala Badh Noqoto Iyo Sababta Keentay
May 2, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Guud ahaan Goobihii Diwaan galinta ee Gobolka Saaxil oo dhamaantood haawanaya oo la layahay cidii hore isu diwaan galisay oo la baafinayo intoodii badnayd,
Sidoo kale goobihii miyiga ee tuulooyinka magaalada ka baxsan ahaa oo iyagana laga soo sheegayo in xitaa aanay afar meelood aanay meeli kaadhadhkii qaadan iyada oo wakhtiguna galay maalintii shanaad mudo laba maalmoodina ka hadhsan tahay xiligii loo qabtay kaadh qaadashada goobaha debeda ee miyiga iyo degmooyinka.