“Madaxwayne Adigu Waxba Ma Xadid Ee Kuwii Aad Aamintay Ayaa Xaday Oo Umaddii Midh Uma Hadhin” Cabdikariin Axmed Mooge
May 2, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Aqoon yahan cabdi kariim ahmed mooge oo ka dareen celiyay kulankii u madaxwaynuhu la qaatay hay,adaha dawlada uga masuulka ah ilaalinta hantida qaranka ayaa waxa uu yidhi.

Madaxweyne ummadan danteeda ayaa ku jirta in musuq-maasuqa lala dagaalamo iyo in la ilaaliyo hantida ummadda goor kasta, lakiin intan aad maanta tidhi ayuun bay ahayd in aad tidhaahdo maalintii 27 Juulay 2010 ee aad sida rasmiga ah ula wareegtay xilka madaxweynenimo, isla markaana aad ficil u badasho lixdii sano ee tagay oo aad saxeexaga awooda badan ee madaxweyne aad ka ilaaliso in lagu xalaalaysto dhul ama guri ummadani lahayd.