berberatoday.com
Xusuusihiii Xiissaha Lahaa Iyo Xiligii Mucaaradadii Kulmiye,,,,,W/Q Sacad Cali Kaahin
May 3, 2017 - Written by Berbera Today

Xusuusihiii Xiissaha Lahaa Iyo Xiligii Mucaaradadii Kulmiye,,,,,

Taariikhdu waxay ku beegnayd dhamaadkii sanadkii 2009kii goobtuna magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer ,,,
Maalin maalmaha ayaanu isugu xafiiska xisbiga kulmiye ee gobolka togdheer si aanu ugu qabano Shir jaraaid kadib Markii ay saxaafadii soo xaadirtay ayaa waxa hal Mar naga wareegay ciidamo police oo uu hogaaminaayo taliye Cabdi Xandule oo Xiligaa ahaa taliye ku xigeenkii Qaybta police gobolka togdheer,,,

Markii aanu aragnay ciidanka nagu wareegsan ayaa ayaa waxa xafiiskii debeda uga soo baxay dhawr nin oo runtii miisaan iyo maamuus ku dhex leh bulshada si ay ula hadlaan Taliyaha Ciidnka wata ama Bal ay u ogaadaan waxa khaldan,,,,,,
Ragga isku deyay inay la hadlaan Taliye Cabdi Xandule waxaan kamida Ahaa Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo Dr Cabdi Aw Daahir Cali iyo sahal Aadan Maxamed Abyan oo Xiligaa ahaa gudoomiyihii Xisbiga kulmiye ee gobolka togdheer balse waxa ergadaa iyo odaytinimadaa ku gacan saydhay Taliye Cabdi Xandule,, waxaana ay si xooga ciidamadii ku soo galeen gudihii xafiiska Waxaanay bilaabeen inay daaqadaha iyo albaabada qoryo iskala kaayo taagaan intaa kadib waxay ugaadhsadeen hawl wadeenadii warbaahinta ee Goobta ku sugnaa oo ay qori dabadii iyo la dhaceen qaarkood inkastoo aanay wax khasaare ah oo sidaa usii wayn aanay u gaysan suxufiyiintii hadana waxa xusid mudan in Weriye Foosi Saleebaan Aw Biindhe oo xiligaa weriye ka ahaa idaacadii Afka mucaaradka ku hadli jirtay ee Horyaal in gacanta midig uu kasoo gaadhay dhaawac fududi Sidoo kalena uu khasaare ka gaadhay qalabkii uu u adeegsanaayay duubista wararka,,,,
Intaa kadib waxay nagu qasbeen ciidnkii inay goobtii naga dareeriyaan,,
Maalin kadib dhacdadaa aan kor kusoo sheegay ayaa waxa nalooga yeedhay xafiiska Badhasaabka gobolka togdheer oo uu xiligaa Badhasaab ka ahaa Jamac Cabdilahi Biin oo Imika ah wasiir ku xigeenka arimaha gudaha JSL waxaananu iska xaadirinay anagoo ah kabaataneeyo xubnood oo isugu jira masuuliyiinta xisbiga ee gobolka iyo odayaal mus dambeeda
Waxaanan ragaa subaxa nala socday aan ka xasuustaa
1 sahal Aadan gudoomiyihii gobolka
1 Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo Dr Cabdi Aw Daahir Cali
3 xildhibaan jamac X axmed
4 axmed Soodaani
5 oday Cabdilaahi Maxamed cabdiraxmaan ( awal Bari?)
6 oday Faarax Yusuf Nur Faarax xadhigle
7 oday yusuf Xasan xayd Boodh isleged
Iyo Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee
8 oday Maxamed Xuseen Naaleeye ( good)
Iyo rag kale oo aanan Halkan kasoo koobi Karin Markii aanu soo galay xafiiskii Gudoomiyaha gobolka oo ay fadhiyaan gudoomiye Jaamac Cabdilaahi Biin iyo ku xigeenkiisii oo xiligaa ahaa Guuleed Daahir samatar iyo duqii degmada Burco ee xiligaa maxamuud Axmed Xasan Dhegalaab iyo maareeyihii wakaalada Biyaha ee xiligaa Mr Yusuf iyo taliye ku xigeenkii Qaybta police ka Cabdi Xandule,,,
Salaan kadib Markii aanu fadhiisanay ayaa kadinka koonfureed ama albaabka koonfureed kasoo galay Maxamed Diiriye xayd Dibjir oo Imika Badhasaab ku xigeenka gobolka togdheer iyo Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee Jiif caaqil Maxamed Daahir Cabdi oo labadooduba xiligaa katirsanaa golihii deegaanka magaalda Burco islamarkaana ahaa kaadiriintii xisbigii udub,,,,
Waxaana markay albaabka soidhaafeen wada hadlay moyar Dhegalaab iyo gudoomiye Biin waxaanu yidhi Moxamuud Dhegalaab isagoo si hoose ula hadlaaya badhasaabkii Waar dee albaab kaagu ma adka lakiin hadalka moyar Dhegalaab Anigu waxaan u arkaayay af gobaadsi siyaasadeed intaa kadib Markii hadalkii furmay oo badhasaabkii nagu yidhi Waar waxan aad idaacadaaha ka shubaysaan ee laydinku sameeyay Waamaxay?

Ayaa waxaa hadalkii u baxay Ilaahay haw naxariistee Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo runtii ahaa nin Ilaahay af tahamanimo ku manaystay Markuu hadalkii dhameeyay ayaa waxa ka daba kacay Axmed Soodaani waxaana Markuu kacay Afka kaga booday Maxamed Diiriye xayd Dibjir oo Buuq iyo qas ku furay iyo hadal tashuusha xaaladuna waxay noqotay hadal hadal Kama dheera labadoodii way murmeen Waxaanay ku wada hadleen af reer sidookale waxa iyaguna iskala kacay Ilaahay labadoodaba haw naxariistee Dr Cabdi Aw Daahir Cali iyo Jiif caaqil Maxamed Daahir Cabdi sidookale iyana waxa gacanta isula tegay xildhibaan jamac X axmed iyo gudomooiye guuleed Daahir samatar jawiguna Wuxuu isu bedelay goob Dagaal iyo gacan ka hadal waxaana intaa sii dheer hal Mar ayay askartii ilaalada badhasaabku ay nagu xidheen labada albaab ee xafiiska Badhasaabku leeyahay balse askartii namay soo dhex gelin ee way isku kaaya daawatay Markii laysla oogsaday
Halkaas maanta haynoo joogo maqaalku maanta by sacad Cali kaahin balaaki

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews