Caafimaadka iyo Shaaha Lagu Sameeyo Kulaylisada Iyo Ka Lagu Kariyo Koobka Shaahada Ee Korontada Ku Shaqeeya
May 5, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Warbixin caafimaad ayaa daahfurtay in shaaha lagu kariyo furinka (Moofada ku shaqeeya), ayaa ka caafimaad fiican shaaha lagu kariyo kululaysada.

Dr. Juan Voong oo ah caalim ku xeeldheer nafaqaynta oo u dhashay dalka Ustareeliya ayaa sheegay in shaaha lagu kariyo furinku (Microwave) uu caafimaad ahaan aad uga fiican yahay, shaaha lagu sameeyo Koobka laydhka la geliyo. Voong waxa uu sheegay in Furinku (Macrowave) uu Shaaha u ilaaliyo boqolkiiba 80 isku-dhisyada Bayooloji ee waxtarka leh, sida Caffeine, Polyphenols iyo Thiamine oo dhammaantood ah maaddooyin faa’idooyin leh oo ku jira shaaha kiisa cas iyo shaaha cagaaran labadaba.