berberatoday.com
Dalka Mareykanka Oo Shaaciyey Magaca Iyo Sawirka Askarigii Lagaga Dilay Dalka Somaliya Dhawaan Iyo Qaabkii Loo Dilay
May 7, 2017 - Written by Berbera Today

Moqdisho(Berberatoday)-Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka ayaa shaacisay magaca askari ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan Navy SEAL kaasoo lagu diley deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose. Ee dalka Somaliya

 

Askarigan ayaa magaciisa lagu sheegay Kyle Milliken waxana uu ahaa 38 sano jir ka soo jeeda Falmouth Maine kana soo dagaalamay wadamo kale. Milliken ayaa noqday askarigii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo lagu diley gudaha dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993dii.

Image may contain: 1 person, smiling

 

 

Dhowaan ayaa Madaxweyne Trump waxa uu amray in weeraro lagu qaado saldhigyada ay ururka Alshabaab ku leeyihiin dalka Soomalaiya. Hase yeeshee waxa ay saraakiil Maraykan ah ay sheegeen in howlgalka uu ku dhintey askariga Maraykanka ah ka mid ahayn amarka dambe ee uu Trump bixiyay.

Qoraal uu soo saaray Pentagonka ayaa lagu sheegay in ciidamo isugu jira Maraykan iyo Soomaali ayaa la soo weeraray kadib markii ay diyaarad helicopter ah ay ku tageen meel ku dhow saldhig leeyihiin Alshaab.

No automatic alt text available.

“Waxaan ka caawinay in diyaaradaheen aan halkaa ku geyno ,”ayuu yidhi afhayeenka Pentagonka Capt.Jeff Davis. “Annaga meel gadaal ah ayaan joognay inta uu howlgalku socday balse weerar ayaa naguyimid kaas oo sababay dhimashada askarigeena.”

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in uusan jirin askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo ku dhintey ama ku dhaawacmay howlgalka balse ay ku dhaawacmeen tarjubaan Soomaali ah iyo labo askari oo Maraykan ah.

Davis afhayeenka ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in illaa konton askari oo Maraykan ah ay joogaan dalka Soomaaliya.

Hase yeeshee ururka Alshabaab ayaa soo bandhigay sawirada qalab kala gedisan oo muujinaya in laga lahaa dalka Maraykanka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews