berberatoday.com
Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ku Dhawaaqey In Aanu Dalkiisu Aqoonsanayn Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland
May 7, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Dessalegn, ayaa beeniyay inay dawladiisu aqoonsanayso qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland , waxaanu hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo ay wada qabteen madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, khamiistii.

 

Sida uu qoray wargeyska The Reporter, ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, Raysalwasaaruhu wuxuu hoosta ka xariiqay, in dawladdiisu ay xushmaynayso “Midnimada jamhuuriyadda Soomaaliya.”, waxaanu hadalkan ka yidhi ka dib markii uu su’aal ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya uu raysalwasaaraha weydiiyay weriye la socday weftiga Madaxweynaha Somaliya, waxaanu Raysalwasaaruhu meesha ka saaray in uu jiro ku talogal ah ay dawladdiisu ku aqoonsanayso Somaliland.

Image result for Hailemariam Desalegn

 

 

Raysalwasaaraha Itoobiya, wuxuu yidhi

“Itoobiya, weligeedba xidhiidh rasmi ah lamay yeelan Somaliland. Xidhiidhka aanu la samaynaynaa waxa uu mar kastaba ahaa mid ogolaan shiyihiisa aanu ka qaadanno dawladda Federaalka ah ee Muqdisho.” ayuu yidhi Mr. Hailemariam Dessalegn.

Waxa kale oo uu raysalwasaaraha Itoobiya sheegay in Itoobiya diyaar u tahay inay taageerto Somaliya si ay ugu guulaysato sugidda ammaanka, iyadoo Itobiya ka mid ah ciidamada AMISOM ee Midowga Afrika ka socda.

Farmaajo ayaa qodobada ugu muhiimsan ee uu la tagay Addis Ababa waxa ugu weynaa xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya oo ah mid dhinacyo badan, kaas oo uu doonayo inuu ugu yaraan wiiqo, mana jiro wax war ah oo ay dawladda Somaliland ka soo saartay daandaansiga diblomaasiyadeed ee Mr. Farmaajo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews