Sheekh Aadan Siiro Oo Si Adag Uga Hadley Habilihii Dhawaan Loo Gacan Galiyey Dalalka Gaalada Ah + Muuqaal
May 7, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Siiro oo ka mid culimada waa weyn ee reer Somaliland ayaa waxaa uu khudbadiisii saalada Jimce kaga Hadley habilii dhawaan laga soo qab qabtey dugsigii boodhinka ahaa ee lagu baraayey diinta Islaamka isla markaana loo gacan galiyey dalalkii ay dhalashada ay ka haysteen ee gaalada ah
Sheekha ayaa waxaa arintaasi ku tilmaamay wax aan la aqbali Karin isla markaana waxaa uu aad uga hor yimid in dhalinyaro la dhaqan celinaayey din gaalo loogu gacan galiyey , waxaana uu xukuumada u soo jeediyey in aaney dalka kharibin