Xukuumadda Oo Dr. Bulxan Ka Horistaagtay Muxaadarado Uu Muqdisho Kasoo Jeedin Lahaa Iyo Sababta
May 7, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan ka baajisay safar uu ku tagayay magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya oo uu aqoonyahanka iyo ururada bulshada ugu soo jeedin lahaa khudbad ku saabsan qaddiyadda Somaliland.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in xukuumadu ka soo jawaabtay dalab uu Dr. Bulxan u dirsaday Madaxweyne Siilaanyo oo uu kaga dalbanayay in laga war hayo socdaalkaas Muqdisho iyo ujeedada uu u tagayay, waxaana kulan la yeeshay laba ka mid ah golaha wasiirada oo dood dheer ka dib u sheegay inaanay xukuumadu ogolayn inuu u socdaalo magaalada Muqdisho, waxaanu sidaas kaga baaqday safarkaas.