“Aad Baan U Dhaliilayaa Qaabka Ay Xukuumadu U Bilowdey Wada Hadalka Khaatumo Sababta Oo Ah”Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif + Muuqaal
May 8, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(BerberatodayXoghayaha maaliyada ee xisbiga Waddani Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif ayaa waxaa uu sheegay in uu si aad ah u dhaliilaayo qaabka ay xukuumada Somaliland u bilowdey wada hadalka ay ku jirto maamulka Khaatumo .
Siyaasigan oo wareysi dheer siiyey telefishanka Kalsan Tv waxaa uu sheegay in wada hadalkaasi khaatumo lagula jiro ay Somaliland u matalayaan dad aan ka midho dhalin karin hawshaas isla markaana aan aheyn dadkii ay wax ka go,aayeen
” Runtii qaabka ay xukuumadu u bilowdey wada hadalka Khaatumo aad baan dhaliilayaa waxaana aan aaminsanhay in dad anan is laheyn waa lagu haleyn karaa oo hawshaas waa ay ka midho dhalin karaan midna aanay aheyn isla markaana awoodeedii iy aqoonteedi laheyn .