berberatoday.com
Komishanka La-dagaalanka Musuqmaasuqa Oo Iska Dhex Doortay Guddoomiye Cusub, Ka Dib Is-casilaaddii Axmed Muxumed Madar
May 8, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xubnaha sare ee Komishanka Maamul Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa ayaa Guddoomiye cusub u doortay Mudane Axmed Jaamac Maxamuud, kadib markii uu xilkaasi iska casilay Guddoomiyihii hore Md. Axmed Muxumed Madar.

dddddd

Xubnahan ayaa shalay shir ay isugu yimaaddeen ku doortay Guddoomiyaha cusub ee uu yeelan doono Komishanka Maamul Wanaaga iyo La-dagaalanka Musuqmaasuqa, sidaana waxa lagu caddeeyey War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye ku Xigeenka Komishanka Maamul Wanaagga iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa Md Mukhtaar Yaasiin Cali oo isagu shirkan guddoominayey waxaanu u dhignaa sidan. “Maanta (Shalay) oo ay taariikhdu tahay 6/5/2017, waxa shir isugu yimid xubnaha sare ee Komishanka Maamul Wanaaga iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa, kaasi oo ay ujeedadiisu aheyd inay iska dhex doortaan Guddoomiyaha cusub ee Komishanka Maamul Wanaaga iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa.

Waxay Guddoomiye u doorteen Xubnaha sare ee Komishanku Axmed Jaamac Maxamuud, oo ahaa xubin sare oo ka tirsan Komishanku inuu noqdo Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 6/5/2017.

Kulankan waxa guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka Komishanka Maamul Wanaaga iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa Mukhtaar Yaasiin Cali, waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa.

1.Mukhtaar Cismaan Cabdi Xubin.

2.Axmed Jaamac Maxamuud Oo Guddoomiye Loo Doortay

3.Cabdinaasir Cabdillaahi Axmed.

4.Maxamed Aadan Xirsi. Agaasimaha Guud, isla markaana goob jooge ka ahaa kulankan.

Ugu dambayntiina, waxaanu ILAAHAY kaaga baryaynaa inuu xilkan kuu fududeeyo.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews