berberatoday.com
Waa Nin Caynkee Ah Madaxweynaha Cusub ee Dalka Faransiisku?
May 8, 2017 - Written by Berbera Today

ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada tartankii loogu jiray qasriga Elesy ee Madaxtooyada Dalka faransiiska oo uu 65% ku guulaystay Emmanuel Macron ayaa mar kale Faransiisku waxa ay sameeyeen taariikh siyaasadeed oo ku saabsan doorashada Madaxweynahii ugu da’da yaraa ee soo mara Jamhuuriyada Faransiiska Emmanuel Macron, kaas oo aan ka soo jeedin Xisbiyadii soo jireenka ahaa.

Emmanuel Macron waxa uu dhashay Bishii Disembar 21-kedii sannadkii 1977-kii, waana 39 jir waxa uu shahaadada koowaad ee jaamacadda ku qaatay barashada Falsafadda, shahaadada labaadna waxa uu ku qaatay ‘Maamulka arrimaha dawladda’ aakhirkiina sannadkii 2004 ayaa uu jaamacadda ENA ka qaatay cilmiga Maamulka.

Madaxweynahan cusub oo ah kii Sideedaad ee Dalka faransiiska ayaa haysta horyaalnimo kala dambeeyey oo uu ka soo bilaabay xiligii uu wax ka baranayey Mac-hadka Henery 4, halka sidoo kalena uu ka soo shaqeeyey hay’ado dhanka tarbiyadda ah oo waaweyn.

Emmanuel Macron waxa uu muddo 4 sanadood ah ka shaqeeyey hay’ad maaliyadeed oo hoos tegaysay xarun la socota koboca dhaqaalaha Faransiiska, waxana uu uga sii gudbay shaqo uu ka qabtay Shirkada weyn ee ganacsiga ee Rothschild oo ah shirkada la aaminsan yahay in ay haysato kalabar lacagta adduunka, waxana uu mar kale ku soo noqday shaqada Dawlada isagoo la taliye dhanka dhaqaalaha ah u noqday Madaxweyne François Holland, ka dibna loo magacaabay Wasiirka Dhaqaalaha Sannadkii 2014-kii.Sannadkii 2016-kii waxa uu aasaasay dhaqdhaqaqa dhalinyarada ee Forward oo ah shabakad midaysay aragtida dhalinyarada Dalka faransiiska.

Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay Madaxweynanimada Dalka Faransiiska, isagoo ah Musharax Madaxbanaan oo aan Xisbiyada midna ka tirsanayn, waxana uu haysta taageerada shacabka faransiiska oo ku raacay fikradihiisa cusub iyo aqoonta uu u leeyahay dhanka lacagaha, iyagoo siiyey taageeradoodii oo Madaxweyne u doortay waxana uu ku ololeeyey Barnaamij ay ugu waaweynaayeen horumarinta dhaqaalaha faransiiska iyo xoojjinta xiriirka Midowga yurub.

Madaxweynaha cusub ee Faransiiska Macron xaaskiisa waxaa lagu magacaabaa Brigitte Trogneux waxaana ay ka weyn tahay 24 sannadood iyadoo macalimaddiisa ahayd markii uu dugsiga sare ku jiray. Markii ugu horreysay ee ay haasaawe ama shukaansi ku kulmeen waxa uu ahaa 15 jir ka mid ahaa ardayda fasal ay macallimad u ahayd ku jira, laakiin waxa ay is guursadeen markii ay da’diisu 18 sano gaartay.

Waalidkii ayaa ku dadaalay in ay kala kaxeeyaan isaga iyo macallimaddiisa caashaqu dhex maray ee hadda xaaska u noqotay. Macron waxa uu waalidkii ka kaxeeyey magaalada Ameins, si ay uga fogeeyaan macallimaddiisan waxaana ay geeyeen Magaalada Paris oo uu sannadkii u dambeeyey ee dugsiga sare ku dhammaystay.

Laakiin Marcon markii uu dugsiga sare soo dhammaystay ayaa uu dib u soo nooleeyey xiriirkii isaga iyo macallimaddiisa waxa aanay is guursadeen sannadkii 2007-dii.

Warbaahin kala duwan oo arimahan waxa ka qoray ayaa sheegay in jacaylka Marcon iyo Brigitte aanu ahayn mid dhinac keliya ka socday, balse ay ahaayeen laba ruux oo si cid kasta u muuqata mid kastaa kan kale jacayl dheer u hayo.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Waxaa qorey: Hussein kurdi Iyo Kamaal A Cali.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews