berberatoday.com
Aqbali Mayno Joojinta Dabaaldegga 18 May W/Q Qadan-nuura
May 9, 2017 - Written by Berbera Today

Salaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu, dhamaan waan salaamayaa bahda saxaafada S/Land gaar ahaan Berberatoday. Waxan jeclahay in aan ra’yigayga ka dhiibto joojinta la joojiyay dabaaldegii 18 MAY ee la xuso sanadkiiba hal mar. Xukuumadda kulmiye ee manta dalka ka talisaa waxay sabab uga dhigtay abaaraha jira awgeed. La yaabkeeda ayay leedee talaw maalintan qaranimadana miyaa la xaraashay oo hanti boobkii wadanka hore uga socday ayaa la raacshay.

18 May waa maalin qaran, waa dib u xorayntii xorriyadii luntay 1960 kii ee British Somaliland protectorate. Maaha maalin dhayal ku timi oo la is kaga dhawaaqay, waxa loo huray naf iyo maal fara badan, duurka ayaa loo galay dib u xoraynteeda, barakac iyo dhibaatoo dhanna waa loo soo maray.

Ra’yul caamka ayay khaldaysaa dawladda kulmiye, dan ay leeyihiin ayaanay ku dhex qarinayaan abaaraha wadanka ka dhacay. Hadday u naxayaan dadka abaaruhu halakeeyeen iyo kuwa sixir bararku aafeeyay iyo waliba kuwa kale ee maalinta tiix roob da’o daadadka dooxyadu qaadanayaan may lacagtii qarankani lahaa ee ka soo gashay DPW ee dekedda magaalada berbera, airport ka caalamiga ah ee berbera iyo dhaqaalihii kale kasoo hoyday haamaha shidaalka ee berbera iyo sidoo kale ilaha kale ee dhaqaale ee wadanka ka soo hoyday ee baananka caalamka ay ku shubatay dawlada kulmiye may wax ugu qabtaan. Barootu orgiga ka wayn ee waxay ku dhex dambabasayaan qalinshubatada reer kulmiye waxay ka baqayaan inay ku fashilmaan khudbadda madaxwaynuhu jeedin lahaa maalintaas dabaaldegga ee 18 May, maadaama oo  in muddo ahba laga soo sheegayo xanuun ku habsaday.

Wax kastaba miyaynu u dulqaadanaa shacaboow, maxaa ina duleeyay, gumaysigii dawladii afweyne iyo reer koonfureedka inagaga yimiba waataynu iska ridnay ee aynu maanta xor iyo xalaasha u noolnahaye ma wixii xun baynaan ka dhiidhiyi karayn. Sikastaba ha ahaatee waa in aynu qiimaynaa maalinteenna wayna ee 18 May oo aynaan ka farxin cadawgeena reer koonfureedka ee rucle orodka ugu jira baabi’inteena.

 

Wa bilaahi tawfiiq

Waa qadan-nuura

Hargeisa

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews