Dalalka Somaliland Ka Taageera Dimuqraadiyadda Oo Gaadhay Laba Qodob Oo Adag Oo Somaliland Khuseeya
May 9, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wadamada Somaliland ka taageera nidaamka dimuqraadiyadeed iyo doorashooyinka ayaa gaadhay go’aan adag oo khuseeya taageeradoodii maaliyadeed ee dhinacyadan.
Dalalkan ayaa go’aansaday inaanay wax taageero dhaqaale ah ku bixin doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka Somaliland, dib u dhaca iyo muddo kordhinaha yimid dartood, waxaanay isku raaceen inaan wax taageero ah laga gaysan labadan doorasho iyo weliba qaybinta kaadhadhka diiwaangelinta cod bixiyayaasha.