Dumarka Uurka Leh Oo Looga Digay In Isticmaalka Talefanku Uu Khatar Ku Yahay Caafimaadka Uurjiifka
May 9, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis cusub ayaa daahfurtay in carruurta xilligii ay uurka ku jireen ay hooyooyinkood aad u isticmaali jireen taelfanka gacanta lagu arko qalqaalinnimo iyo dhaqdhaqaaq aad uga badan kuwa la midka ah ee hooyooyinkood aanay aad u isticmaali jirin talefanka gacanta, laakiin taas macnaheedu ma’aha in hooyada uurka lihi ay gebi ahaanba iska joojiso isticmaalka talefanka gacanta. Dhinaca kalana waxa ay khubaradu sheegeen in natiijadani aanay kama dambays ahayn oo loo baahan yahay in baadhitaanno dheeraad ah lagu sameeyo saamayntan iyo weliba sababteeda cilmiga ah.