berberatoday.com
MANDELLAHII GEESKA AFRIKA{AABAHII SOMALILAND}W/Q ABDIRAHMAN IBRAHIM BOUH. UK LEICESTER
May 9, 2017 - Written by Berbera Today

Haddii aan isku dayo aqoontayda aan durugsanayn in aan wax ka yara idhaa ,alle ha u naxariistee walaaleeye Cigaal wuxu ahaa halyey ama Mandellaha Geeska Afrika. Noloshiisuna ku salaysan tahay nabad iyo waaltinimo ummadu ku wada noolaato.Waxaanu eebbe baray halka  laga abaaro ee wax ka qabsoomayaan iyo cidda ay ku xidhantahay ama muftaaxa u ah xalka la rabo.Isagoo da’diisu aad u yar tahay oon cimrigiisu kor u dhaafin 28 sanadood,ayuu markii Somaliland xoriyadeeda qaadanaysay  ee uu ka soo saxeexayey Ingiriiska wuxu la tashaday waxgaradkii Somaliland beelahooda oo dhan, lix ka mid ah madaxdhaqameedyadii ugu magaca weynaana soo kexeeyey inay joob joog ahaadaan si aan hadhaw madmadaw u iman.Maalintii 26ka June waxa ka mid ahaa hadalkii u yidhi dagaalkii yaraa waan ka soo baxnay waxase inoo hadhay kii weynaa oo ah xoriyadda hanashadeeda. Waxa kale oo uu ka codsaday dadkii caadifada aad u kululi haysay waar umul baa la afartan bixiyaa. Wixii ay ku dambaysayna layskaga waramimaayo waxanu eebbe goob joog uga dhigay wixii uu yidhi oo taabtay ilmihii caloosha ku jiray cid kalena iskaba daa markii uu u halgamayey xornimadeena ayuu maalkii Aabihii uga dhintay ku bixiyey halgankii uu waday ,nin ka mid ahaa baayacmushtarkii caanka ahaa baa ku yidhi daa maalkan oo ku shaqee alle ha u naxariistee walaaleeye Cigaal baa ku yidhi adigu waxad doonaysaa inaan khasnadan ka buuxiyo lacag anna waxan doonayaa inaan ku  rido calanka xoriyadda.Markii israacii khiyaamadu dhacay muddo ayuu ciil ku noolaa geesise wax ma noqdee mar qudha ayuu aarkii gilgishay oo koone ilaa koone dhawaaqu isqabtay adigaaba calanee noolow Cigaaloow wuxu nabadgelyo ka dhaliyey geeska Afrika Kiiniya ilaa Ethopia oo dadkii ninba meel ku xidhnaa ayuu u furay inay isdhexmaraan,Waa cadaw iyo caynkii xaasid iyo xifaashii Waraabihii Garbihaaray ayaa gud madaw ku riday waxan xasuustaa mar uu meel ka qudbadaynayey Afweyne ayuu yidhi ragna calan baa lagu sheegay anagana askarbayna yidhaahdaan wallee aniga iyo Ina Cigaal baan wada joogin,waxanuse ku darin in sidaa alle yidhi.Alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal wuxu ahaa nin karaamaysan waxana u ducayn jirey culumada aad loo qarariyo sida SHeekh Aadam Ibrahim Xadi{SHeekh Aadam Raamaale]. Waxaynu caadu u leenanahy waar bal Sheekh hebal baan u  tagayaa oon odhanayaa ii soo ducee, Nin baa dhawr iyo todobaatankii u tagay Sheekhaa  isagoo duco doon ah wuxu yidhi markaan la joogay muddo bil ah oo habeen walba loo duceeyo Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ayuun baan is idhi waar muxuu ahaa nini ducadii oo dhan qaatay een xagaagaba la soo eegayn SHeekhii uun uun baa si  degdeg ah u yidhi aabbo ducadaadu waxay ku jirtaa inaad u ducayso Cigaal waa karaamaysan yahay waanu idin anfici doonaa xaqdarana waa lagu haystaa,Alle ha u naxariistee wadanigii weynaa ee Cabdillaahi Suldaan Timocadena markii ugu dambaysay oo uu booqasho ku yimaado Somaliland ee u ra’iisalwasaare ka ahaa wixii la odhan jirey Somaaliya wuxu Timocde Gabay ku soo dhaweeyey ,dooxyadii Arabsiyo daafihii Gabiley dartaabay Maxamedow dumarkiina carruurtii daadahaysanayaanoo dhirtiibaa is dalbanaysa ninkastaa ha dadaalo ninkastaa ha duceeyo Madaxweyne la doorto aduun baa u d’a weynow aduun baa u danbayn, sidii baanay noqotay oo eebbe wuu aqbalay,waxa Somaliland maanta haga waa dhaxalkii uu inooga tagay Distoorka,hanaanka dawladnimoiyo nidaamka dimuqraadiga ah ee udubdhexaadka u ah dalka.Rag badanoo maalintii aad uga soo horjeeday distoorka iyo hanaqaadka dawladnimo ee dalka ka hergalay ayaa maanta cidwalba ku eedeeya waxad jabiseen Distoorkii.Nabadgelyada aan haysano wuu inuu iibiyey sida ay qireen siyaasiin magac weyn ku saaxada Somaliland.Wuxu ahaa hogaamiye dalkiisa iyo dadkiisa daacad ah jecelna inuu meel wacan gaadhsiiyo waxa markhaati u ah maalintii la doortay halkaynu joognay iyo maalintii xaqii alle u yimid siduu dalku ahaa,Cabdillaahi Maxamed Ducaalle oo ahaa wasiirkii warfaafinta ee dawladii Maxamed Xaaji I.Cigaal suaalo badan oo ku saabsan hogaamiye Cigaal oo dhinac walba leh wuxu yidhi halyey daacad u ah dhabna ay ka tahay in la aqoonsado Somaliland 2000kii markaanu booqashada ku tagnay Maraykanka waxan la kulanay Susane Rice  oo ahayd kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada ,waxana la nagu martiqaaday wasaarada arimaha dibada markii lagu soo dhaweeyey Cigaal wuxu yidhi idinkama doonayo mucaawino iyo wax kale oo haba yaraatee taageero ah waxan idinka doonayaa aqoonsi buuxa,waxay kaaliyihii Maraykanu tidhi wixii kale eed na waydiisataan waan idin siinaynaa laakiin aqoonsi idinsiinmayno markay intaa tidhi ayuu sarakacay Cigaal waxanu yidhi waligay ma qaadan {humilation} bahdilaad iyo diblomaasiyad qaawan waxa garabka qabtay Cabdiraxmaan Caabi Faarax oo wafdiga ka mid ahaa kaaliyihii Maraykanka ayaa tidhi waan qado tagayna markii la isku soo noqday bay {full apology} bixisay cudurdaar buuxa,intaanu geeriyoon saacado ka hor ayaa waxa nala soo xidhiidhay buu yidhi Madaxweyne ku xigeenka South Africa oo yidhi waan idin soo booqanayaa markaan u sheegnay in la noo ayuu alle ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal ayuu nagu yidhi buu mudane Ducaalle inga joojiya wax ka weyn baynu ka doonaynaa ninka eh waxay noqonaysaa booqasho xanuun ku eg ee haddii alle yidhaa anigoo socdaan u tagi waxaynu u nimidna waydiisanaynaa.Wuxu ahaa hogaamiye go’aan qaadasho adag leh cidna aan ka waaban haday dacar ka qadhaadhahay oo danta ummaddu ku jirto,hadaba maanta Somaliland ma haysataa hogaankaa la dabaalan kara sidii dayaxii  shalay       BY ABDIRAHMAN IBRAHIM BOUH.  UK LEICESTER

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews