berberatoday.com
Obama Oo Digniin Culus U Diray Madaxweynaha Xilka Kala Wareegay ee Donald Trump
May 9, 2017 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama, ayaa uga digay ninka xilka

kala wareegay ee Donald Trump, in uu Michael Flynn ka dhigto lataliyihiisa ammaanka qaranka, sida uu xaqiijiyay Aqalka Cad.

 

Mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulkii Obama ayaa sheegay in madaxweynaha hore uu digniintan Trump u jeediyay wax ka yar 48 saac markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtinnimada ee dhacday bishii November 2016.

Image may contain: 1 person, suit

 

 

Mr Flynn ayaa bishii February laga qaaday xilka lataliyaha ammaanka qaranka oo uu Trump u ahaa, ka dib markii lagu helay in uu ka been sheegay xiriir uu ula sameeyay safiirka Ruushka u fadhiya Maraykanka.

Xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Sean Spicer, ayaa sheegay in “ay dhab tahay in madaxweyne Obama uu muujiyay sida aanu u taageersanayn jeneraal Flynn,” balse waxa uu intaa ku daray in taasi aanay la yaab lahayn maadaama uu jeneraalka usoo shaqeeyay Obama, markii dambana uu dhaliilay sida uu madaxweynahaasi u wajahayo khatarta kusoo foolka leh Maraykanka.

Maamulka Obama ayaa sanadkii 2014 xilka ka qaaday Mr Flynn, oo ahaa madaxa laanta sirdoonka gaashaandhigga, asagoo lagu eedeeyay maamul xumo iyo xanaaq badan.

Obama ayaa la sheegay in uu rumaysnaa in Mr Flynn aanu u qalmin xil sare.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews