Wiil Dhalinyaro Reer Iiran Ah Oo Aad Ugu Eeg Ciyaaryahanka Caanka Ah Ee Messi Oo Dalkaas Lagu Xidhay Iyo Sababta Xadhigiisa
May 9, 2017 - Written by Berbera Today
Iiraan(Berberatoday.com)-Booliis ayaa xabsiga utaxaabay Arday reer Iiraan ah oo aad ugu eg ciyaaryahanka caanka ah ee reer Argentine Lionel Messi.
Dad badan oo ku sugan magaalada Hamaden ee dalka Iiraan ayaa doonayay in ay sawirro la galaan Reza Parastesh, booliiska ayaana isaga iyo gaarigiisiiba geeyay saldhigga si loo joojiyo jahwareerka ka dhashay dad badan oo isugu soo arruuray ninkan.