berberatoday.com
Ma Dhabbaa In Xoghayihii Warfaafinta Ee Xisbiga WADDANI Ku Biirayo KULMIYE, Kulamo Hoosena La Yeeshay Hogaanka Xisbigaasi, Waase Sidee Dareenka Xisbigiisu?
May 10, 2017 - Written by Berbera Today

Borama(Berberatoday.com)-Kadib in muddo ah oo uu aamusnaa sidoo kalena dhaliilo toos ah iyo kuwo dadbanba uu xisbiyada qaranka hawada u mariyey isaga oo aan ka leexleexan in uu xataa xisbigiisa uu ka tirsan yahay ee uu xilka weyn ka hayo ka gabban in uu duro dhaliilana u soo jeediyo hogaankiisa sare iyo Musharraxiintiisa waxa soo baxaya xogo la xidhiidha in Aqoonyahan Cadirashiid Xasan Mataan oo ah Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga WADDANI la sheegay in uu xisbiga uu ka tirsan yahay ka sii jeedo iyada oo aan wali si cad shaaca looga qaadin goobta kale ee uu rarka dhigan doono ama ku biiri doono.
Cabdirashiid Xasan Mataan oo ah siyaasi dhallinyaro ah oo in muddo ah imika saaxadda siyaasadda Somaliland ku soo jiray ahaana Musharrax ku xigeenkii xisbiga UCID ee garabka Jamaal Cali Xuseen balse xisbigaasi isaga baxay kun abiiray WADDANI kadib markii uu saluugay hogaaminta Faysal Cali Waraabe sidoo kalena uu wakhtigaasi saameeyey khilaafkii UCID ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa hadal hayntiisu badan tahay in Cabdirashiid Xasan Mataan in muddoba saluug ku maqnaa sidoo kalena aanu la dhacsanayn qaabka xisbigiisa WADDANI u wado geeddida hayaanka siyaasadeed ee loogu jiro higsiga talada dalka isaga oo la sheegay in uu si weyn u dhaliilsan yahay hogaaminta Musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) isaga oo Xoghayaah Warfaafinta WADDANI aan muddooyinkii ugu dambeeyey oo dhan aanu xisbiga ka ahayn xubin firfircoon oo hawlaha xisbiga u darban.
Warar xog-ogaal ah oo aannu arrinka Xoghaye Cabdirashiid ka helnay ayaa tibaaxaya in uu doonayo in uu xisbiga isaga digo rogto iyada oo aan rasmi ahaan loo ogayn halka diiraddu u saran tahay balse dad badan oo siyaasadda rogrogaa u badinayaan in uu ku sii jeedo xaggaa iyo xisbul xaakimka KULMIYE ee talada dalka haya.
Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxaya in kulamo hordhac ahi dhex mareen Xoghayaha Warfaafinta iyo masuuliyiinta xisbiga KULMIYE kuwaasi oo aan la ogayn waxa la iskula qaatay iyo goobaha ay ka dhaceen balse waxa tuhunnadan sii badiyey markii uu toddobaadkii hore Cabdirashiid Xasan Mataan dhaliilo huwiyey xisbiyada qaranka gaar ahaan xisbigiisa oo uu ku sifeeyey mid aan itijaah siyaasadeed lahayn oo ay musharaxiintiisu hadba dhinac isu daba yaacayaan. Lama oga doorka uu arrinkan ku leeyahay Musharraxiisii hore ee Madaxweyne ee uu ku xigeenka u ahaa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isagu horeba uga degay madaarka KULMIYE kadib markii uu isaga tagay xisbigii uu sannadaha badan Musharraxa Madaxweyne ugu magacawnaa si ba’anna ay isugu dhaceen Guddoomiye Faysal Cali Waraabe. Jamaal oo imika ah xubin firfircoon oo si dardar leh uga hawl gala KULMIYE kaambayn toos ahna ku jira ayaan la ogayn in uu door ku leeyahay hadal haynta sheegaysa in Cabdirashiid Xasan Mataanna ku wajahan yahay xisbiga KULMIYE. Illaa imika Hogaanka xisbiga WADDANI ayaan ka hadal eedihii xoghayihiisa warfaafintu Mr. Mataan u jeediyey lana ogayn waxa uu ka damacsan yahay.
Si kastaba ha ahaatee lama oga wakhtiga uu arrinkani badka is keeni doono iyo qaabka uu ku iman doono iyada oo muddooyinkii ugu dambeeyey Xoghayaha Warfaafinta WADDANI uu ku sugnaa caasimadda Gobolka Awdal ee Boorama isaga oo sidoo kale ka dhex muuqday muwaadiniintii iyo masuuliyiintii Gobolkaasi ee kaadhka codaynta ka qaadanayay Boorama isaga oo wakhtigaasi dhaliilo u soo jeediyey Komishan doorashooyinka iyo axsaabta qaranka.

 

 

Xigasho Wargeyska Foore

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews