berberatoday.com
Qiimaha Lacagta Baska,Shaaha Iyo Maciishada Daruuriga Oo Mar Qudha Isbadelay,Noloshii Oo Cidhiidhi Sii Galaysa Somaliland Iyo Xukuumadda Oo Aamusnaan Door Biday + Boqolka Dollar Oo Halmilyan Gaadhay.
May 10, 2017 - Written by Berbera Today

“Suuqyadayada Hargeysa Oo Aan Waxba Lagaaga Iibinayn Kunka Shilin Wax Kayar Iyo Xabadii Nac Naca Ahayd Iyo Buskudkii Oo Qiimahoodu Laba Jibaarmay + Walaaca Dadka Danyarta Ah.

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sixir bararka ayaa maalinba maalinta ka dambaysa Cirka isku sii shareeraya Somaliland,Waxa maalmihii u dambeeyay si weyn kor ugu kacay Qiimaha Maciishada lagu kala gato magaalooyinka Waa weyn ee Somaliland iyo Sidoo kale Waxyaabaha Daruuriga ah ,Waxaana God Madaw ku sii dhacaysa oo la sii nacayaa Isticmaalka in wax lagu kala iibsado Lacagtii Kaashka ahayd ee Somaliland Shiling,halka lacagta Dollarku tahay Lacagt Qudha ee Sida wayn looga aaminsan yahay Somaliland.
Qiimaha Maciishada ee Quutal daruuriga ah ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn Suuqyada Hargeysa sare ugu kacay,Waxaana sidoo kale mar qudha La kordhiyay Qiimaha Lacagta Baska lagu raaco ee magaalada Hargeysa oo awal ahaan jirtay 1500 oo shilin,islamarkaana laga dhigay 2000-Kun oo Shilinka Somaliland,waxa sidoo kale laba jibaarmay oo marqudhana uun loogu soo toosay Magaaladda Hargeysa Qiimaha Shaaha oo laba jibaarmay,Qalinka iyo Buugta ardayda,kuwaasi oo si gaar ah u taabtay guud ahaan dadka shacabka ah oo la amakaagsan Sixir Bararka oo maalinba maalinta ka dambaysa sii kordhaya,islamarkaana aanay jirin Cid wax ka qabanaysaa,Waxa saacadihii ugu dambeeyay suuqyada Hargeysa laga hadal hayay Korodhka Maciishada oo bilaa xuduud usii kordhaya islamarkaana markasta la kordhaya Qiimaha Sarifka qalaad ee Dollarka oo sarjaraxa Sixir Suuqa Somaliland.
Dhinaca kale waxa la sii nacayaa isticmaalka Lacagta Shilinka Somaliland,Waxaana lanoo xaqiijiyay inaan Kun shilin Wax yar aan waxba lagaaga iibinayn tan iyo intii uu Sixir bararkani Xadhkaha goostay,taasi oo muujinaysa sida ay lacagtii Somaliland u sii tirtirmayso. Qiimaha Boqolka Dollar ayaa suuqyada Hargeysa shalay si Weyn sare uga kacay,Waxaana la sheegayaa in meelaha Qaar lagu kala iibsanayay lacag ku dhaw Hal milyan oo Somaliland Shiling ah halka meelaha Qaarna la sheegay inuu waxyar ka hooseeyo. Warar kale ayaa sheegaya inaan Suuqyada Hargeysa ee sarifka lagaba heli Karin Dollarka oo suuqyo Madaw uun lagu kala iibsanayo,waxaanay wararka aanu ka helnay gancasatadu noo sheegeen in Dawladu suuqyada soo galisay Lacag Kaash ah,Taasi oo cirka ku sii shareerta Dollar bararkii.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa Aamus door biday,Waxaana sii adkaanaysa Noloshii Dadka marka loo eego Sixir Bararka kor u sii socda oo aanay cidi u dhaq dhaqaaqaysa jirin

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews