berberatoday.com
Wasiir Xukuumadda Katirsan Oo Sharraxay Sababaha Aanu Kaadhka Codbixinta U Qaadan, Hay’adaha Garsoorkana Cabasho Ka Tirsaday
May 10, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Bulshada Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta u qaadan waayey kaadhka codbixiyayaasha oo qaybintiisu muddooyinkanba ka socotay gobolka Awdal oo uu dhalasho ahaan kasoo jeedo.

wasiirka shaqda iyo arimaha bulshada

Wasiir Obsiiye oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa caddeeyey inaanu qaadan Karin kaadhka, maadaama oo sida uu sheegay uu dalka ka maqnaa waqtigii la is diiwaangelinayey, waxana uu yidhi, “Anigu markii la isdiiwaangelinayey dawladdana kamaan mid ahayn oo wasiir maan ahayn, dalkana waan ka maqnaa.”

Wasiir Obsiiye waxa uu xusay in jidka kaliya ee uu codaynta soo socota kaga qayb qaadan karaa tahay in is-diiwaangelinta dib loo furo, “Cidda is-diwaangelisay waa ciddii joogtay, laakiin anigu maan joogin, ismananaan diiwaangelin, haddii imika la I diiwaangelinayo ayuun baan codayn karaa,” ayuu wasiir Maxamed Cabdilaahi Obsiiye.

Wasiir Maxamed Cabdilaahi Obsiiye waxa uu cabasho ka muujiyey gardarro uu sheegay inay qaar kamid ah warbaahinta dalku ku hayaan iyo been abuur joogto ah oo aanay hay’adaha garsoorku waxba ka qabanin, waxana uu yidhi,“Dimuqraadiyaddu ma aha noocan, ninka suxufiga ahi waa inuu qoraa war uu hubo, laakiin male awaal iyo been ma aha, annagu hore ayaanu warbaahinta qaarkeed ula tiigsanay hay’adaha sharciga, wax laga qabtayna ma hayno, ma aha inaan shakhsi ahaan intaan maxkamad tago oo aan kiis furto, laakiin waa xurmada iyo sharciga la ilaaliyaa.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews