berberatoday.com
Amaanka Magaalada Berbera Oo Aad Loo Adkeeyey+Ciidamo Tiro Badan Oo Lasoo Dhoobay Isgoysyada Magaalada Iyo Warbaahinta Oo Loo Diiday Inay Gudaha U Galaan Dekeda
May 11, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Xarunta Gobolka Saaxil ee Magaalada Berbera ayaa amaankeeda aad loo adkeeyey maanta isla markaana wadooyinka magaalada iyo isgoys kaste oo dekeda Berbera gala lagu soo daadiyey ciidamo tiro badan oo iskugu jira kuwa Booliska iyo Milateriga kuwaas oo si aad u adkaynaya amaanka magaalada Berbera.

Ciidamadan ayaa waxay gabi ahaanba baadhayaan gaadiidka iyaga oo sidoo kalena gawaadhida ka celinaya wadooyinka qaar una sheegaya inaan la mari Karin,sidoo kalena xogaha aanu helay ayaa waxay sheegayaan in afaafka hore ee dekeda magaalada ay la wareegeen ciidamo Milateri oo aan hore ujoogi jirin.

Iyada oo Munaasibada wareejinta dekeda Berbera ee Dp World ay ka billaabantay gudaha Dekeda Berbera Madaxweyne Siilanyona ku sugnaa.

Sidoo kalena warbaahinta magaalada Berbera ayaa loo diiday inay ka qeyb galaan Munaasibadaas iyada oo wariyayaasha Gobolka Saaxil loo diiday inay gudaha u galaan goobta ay munaasibadu ka dhacayso,ilaa hadda lama garanayo sababta warbaahinta loogu diiday goobta munaasibadu ka dhacayso.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews