Shirkad Maraykan ah Oo Gabadh Isticmaalka Bootarkooda Kansar Ka Qaaday Magdhow U Siisay 110 Milyan Oo Doolar
May 11, 2017 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Maxkamad ku taalla gobalka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa shirkadda Johnsan’s And Johnson ku xukuntay in ay lacag dhan 110 Milyan oo doolarka Maraykanka ah magdhow u siiso gabadh u dhalatay dalka Maraykanka oo ku dacwootay in ay cudurka Kansarka noociisa maqaarka ku dhaca ka q aadday isticmaalak waxsoosaarka shirkadda. Gabadhan oo lagu magacaabo Louis Slemp ayaa dacwaddeeda ku sheegtay in ay muddo 40 sano ah isticmaalaysay waxsoosaarka shirkadda caanka ah ee Johnson’s, kuwaas oo ay ka mid yihiin waxyaabaha loo isticmaalo nadaafadda iyo bootarka ay shirkaddani soo saarto. Louis waxa ay sheegtay in sannadkii 2012 baadhitaan caafimaad oo lagu sameeyey ay dhakhaatiirtu ku ogaadeen in ay qabto cudurka Kansarka oo kaga dhacay, ogxaansidaha, laakiin ku faafay beerka.