berberatoday.com
Xukumada Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Dawlada Itoobiya Saami 19% Ah Ku Leedahay Heshiiska Dekeda Berbera Lagu Wareejiyay
May 11, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Xukuumada Somaliland ayaa waxay saaka  ku dhawaaqday in dekeda magaalada Berbera saami laga siiyey dawlada Itoobiya oo maanta si rasmi ah loogu wareejin doono shirkada Dp World .

Wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Dr Cumar Shuceyb oo saaka u waramey Idaacada BBC-da ayaa waxaa uu shaaciyey in xukuumada Somaliland ay Saami ka siisay dawlada Itoobiya Dekada Magaalada Berbera si ay u isticmaalaan.

Saamigan ayaa waxaa uu wasiirku ku sheegay in ay tahay 19% ( Boqolkiiba Sagaal iyo Toban ) waxaana shaacintani ay ku soo beegmaysaa xili ay maanta xukuumada Somaliland  dekada Magaalada Berbera maamulkeeda si rasmi ah ugu wareejineyso shirkada Dp World waxaana uu yidhi.

“Maanta ayey si rasmi ha ula wareegeen Shirkada Dp World dekeda magaalada Berbera,mar hore ayay shaqadii sii bilaabmatay oo ay usii socotay 1-dii March ayaa shaqadda lasii bilaabay maantana waa wareejintii uun,markaa een shirkadan DP World ee shaqaynaysa wasaaradda ganacsiga ayaa liisanka siisey si cadi ah ayeyna u shaqaynayaan oo hawshooda u wataan,shirkada Dp World shaqaalihii way la wada wareegtay wax baaqi ah oo ka hadhsanaa ma jirto,shaqaale markii danbe la qoray ayaa jira oo Afartaneeyo gaadhaya oo cabasho soo gudbiyeykuwiina waxaan kala hadlay in shaqadoodii dib loogu diro oo wax lagala qabto oo shirkada Dp World lagala hadlo iyo dhinaceenaba.Gacanta ayaa lagu hayaa samaynta guddigii Boodhka ahayd oo dhawaan la magacaabi doono laakiiin sidaad la socoto shirkada waxa sii wada mar walba hawsha ka qayb ah waa Maareeyihii dekeda oo ah ka hawlaha kala wada,markaa hawshu waa iska sii soconaysaa inta la magacaabayo Boodhka walina xukuumadda Somaliland ayay hoos yimaada oo waxii Maraakiib soo xidhaya oo dhan waxa ku shuqul leh xukuumadda Somaliland. Imaaraadka iyo Somaliland ayay markii hore ahayd heshiisku laakiin boqolka Milyan ee Itoobiyaanka ah ee la doonayo in lala ganacsado ee Dekeduba ku xidhan tahay iyaguna qayb ayay ku leeyihiin waxaana ay leeyihiin19% (Boqolkiiba Sagaal iyo Toban”Siidaas ayuu yidhi wasiir Cumar Shucayb Maxamed.

Xukuumadda Somaliland Ayaan iyadu hore u shaacin in ay dawlada Itoobiya Saami ku leedahay dekeda magaalada Berbera balse saaka ayuu si lama filaan ah ugu dhawaaqay wasiirka ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed.

Saaka ayaa goobaha lagu qaxweeyo ee la iskugu yimaado ee magaalooyinka Berbera Iyo Hargeysa ayaa waxa si aada looga hadal hayaa saamiga dawlada Itoobiya laga siiyey dekeda magaalada Berbera taas oo aanay hore u shaacin xukuumaddu,waxaana goor dhaw magaalada Berbera ka dhacaysay munaasibad si rasmi ah dekeda Berbera loogu wareejinayo shirkada Dp World.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews