berberatoday.com
Dadka Masar Boqolkiiba 17 Keliya Ayaa Isirkoodu Uu Carab Dhalad Ah Ka Soo Jeedaa, Itoobiya Boqolkiiba 11 Ayaa Carab Ah, Iiraanna Boqolkiiba 56 Isirkoodu Waa Carab
May 12, 2017 - Written by Berbera Today

Qaahira(Berberatoday.com)-Casrigan ay dunidu joogto waa ay adagtahay in si run ah loo sugo isirka runta ah ee bulshooyinka dal ku wada dhaqani halka uu ku arooro, gaar ahaan marka ay noqoto in si cilmiya loo caddeeyo cid ama qayb kastaa halka ay ku isir leedahay, sababaha arrintaas adkeynayana waxaa ka mid ah isdhexgalka bulsho iyo kala-guursiga qawmiyadaha iyo jinsiyadaha kala duwan oo sannadba sannadka ka dambeeya dunida si weyn ugu soo badanaya. Laakiin cilmibaadhis uu dhawaan sameeyey Maxadka National Geographic, oo ah maxad ka faallooda juqraafiga iyo dabeecadda ahna maxadka dunida ugu weyn ee hawlahan qaabilsan, ayaa baadhis cilmiya oo uu ku sameeyey hidde sidayaasha iyo dheecaanka DNA ga loo yaqaanno, waxa ka soo baxday in bulshooyin dal keliya ku wada nool oo isku af iyo dawlad ahi ay isir ahaan ka soo kala jeedaan qawmiyad isir ahaan kala fog.

Cilmibaadhistan oo lagu ogaanayey sida ay isir ahaan isugu mid yihiin bulsho kasta oo dal ku wada dhaqan ayaa arrimaha xiisaha leh ee ka soo baxay waxaa ka mid ah in dalal Carbeed oo maanta carabnimada calanka u sida, haddana isir ahaan dadkooda tiro aad u yari uun Carab tahay. Waxaa ka mid ah dalka Tuuniisiya ee woqooyiga Afrika oo daraasaddani iftimisay in boqolkiiba 4 keliya oo dadkiisa ahi ay leeyihiin hidde sideyaal carbeed halka boqolkiiba 88 ka mid ahi ay ka soo jeedaan qawmiyadaha woqooyiga Afrika, boqolkiiba 5 ka mid ahina ka soo jeedaan Koonfurta Yurub, boqolkiiba laba ay yihiin isirkoodu ku arooro dalalka bariga Afrika.

Warkan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay ayaa ay shabakadda wararka ee Sky News ku sheegtay in dadka dalka Lubnaan boqolkiiba 44 leeyihiin hidde-side carbeed, halka boqolkiiba 11 ka yihiin woqooyiga Afrika, boqolkiiba 10 gobalka Eeshiya inta aan carabta ahayn, boqolkiiba 5 Yurubta koonfureed, boqolkiiba 14 ay yihiin Yuhuud, boqolkiiba 2 ay ka soo jeedaan gobalkan Bariga Afrika.

Masar oo ka mid ah dalalka isku tiriya in ay Carabnimada calanka u sidaan ayaa daraasaddan lagu ogaaday in boqolkiiba 17 keliyi ay isir Carbeed leeyihiin, halka boqolkiiba 68 ay ku isir leeyihiin qawmiyadaha aan Carabta ahayn ee woqooyiga Afrika, inta soo hadhayna ay isugu jiraan Yuhuud, Eeshiyaan iyo Koonfurta Yurub.

Cilmibaadhistu waxa ay sheegtay dalal aan kuba hadal Afka Carabiga, isla markaana aan iyagu isu aqoon cid kalana u aqoon Carab, ay haddana dadkoodu isir badan ku leeyihiin Carabta, waxaa ka mid ah dalka Iiraan oo dadka qaar uba arkaan in ay cadow ku tahay Carabnimada ayaa la ogaaday in boqolkiiba 56 dadkiisu ay leeyihiin Hidde-sideyaal Carbeed, dalka Indooniisiya ayaa isna boqolkiiba 6 ay yihiin Carab, halka dalka Itoobiya la ogaaday in boqolkiiba 11 dadkiisa ka mid ahi isir ku leeyihiin Carab, dalka Kiiniyana boqolkiiba 2.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews