berberatoday.com
Trump Oo Caydhiyey Agaasimihii FBI-da Oo Baadhayey In Ruushku Gacan Ka Geystay Guushii Trump Ee Doorashada
May 12, 2017 - Written by Berbera Today

USA(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xilkii ka qaaday madaxii hay’adda dambi-baadhista ee FBI-da ee Dalka Maraykanka James Comey.

Warka Maraykanka

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu go’aankiisa ku saleeyey talo cad oo uu ka helay xeer ilaaliyaha guud Jeff Sessions iyo ku xigeenkiisa.

Go’aankan ayaa soo baxay ka dib markii Comey uu macluumaad khaldan oo ku saabsan baadhitaannada iimeylada Clinton uu la wadaaagay koongareeska Mareykanka.

Warqadda uu xilka kaga qaaday ee uu u diray Comey ayaa madaxweyne Trump uu ugu sheegay in uu ku guul darraystay in uu si habboon u hoggaamiyo hay’adda FBI-da, isla markaasna ay lagama maarmaan u tahay in hoggaan cusub loo helo hay’adda si loo soo celiyo kalsoonidii bulshadu ku qabtay hawlaheeda muhiimka ah ee ilaalinta sharciga ah.

Balse, xisbiga Dimuqraadiga ayaa sheegay in xil ka qaadista Comey ay salka ku hayso baadhitaanka xidhiidh sida la sheegay dhex maray sanadkii hore Ruushka iyo xubna la mid ah ololahii Trump.

Hoggaamiyaha xildhibaanada Senate-ka kaga jira xisbiga dimuqraadiga, Chuck Schumer, ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid welwel dhalin karta.

Aqalka Cad wuxuu sheegay inuu billaabay baadi-goobka qofkii beddali lahaa Comey.

Waa markii labaad oo xil ka qaadis lagu sameeyo agaasime hay’adda FBI-da isagoon xilligiisa dhameysan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews