berberatoday.com
Wasiir Cadami Oo Qiray In Sicir Bararka Dalka Ka Jiraa Saameyn Weyn Ku Yeeshay Ciidamada Qaranka ee Mushaharaadkoodu Yaryahay
May 12, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay Ciidamo la sheegay inay ka gadoodeen sicir bararka baahsan ee dalka ka jira, oo  tilmaamay in Mushaharkii ay qaadanayeen aanu waxba u taraynin, maceeshad qaaliyoowday awgeed.

 

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo Wargeyska Geeska Afrika ugu horeyn wax ka weydiinay cabashadan la sheegay in qaar ka mid ah Ciidamadu ay Barlamaanka la tageen, si gaar ahna ula kulmeen Guddida Arrimaha Bulshada ee Wakiilada ayaa yidhi “Sicir bararka baryihanba waa laga cabanaayey, Hay’addihii ama Wasaaraddihii ku shaqada lahaa, wixii itaalkooda ah hawshii wey u wadaan, Sicir bararkuna maaha cudur markiiba irbad lagu dhufunayo, ee maceeshada iyo sarifka ayey ku xidhan tahay, in wax laga qabtaana waa loo baahan yahay”.

Mar uu ka hadlaayey Ciidamadan la sheegay inay Barlamaanka tageen ayaa yidhi “Guud ahaan  Ciidamada kala duwan ee dalka, haddii ay yihiin Ciidamada Booliska, Asluubta iyo Milatarigaba, waa Ciidamaddeenii, weynu ku faanaynaa, amaankeena ayey sugayaan, balse Askariga foowdo ka qayb gala, shaqo kale iyo dhishbiliin buu leeyahay, isagana waa laga hawl galayaa, kolay Ciidamada hawlo badan baa halkaas sicir bararka kaga soo baxaya, waxaan se guud ahaan Ciidamadda kala duwan ka rajaynayaa uguna baaqayaa  inay iyagu xilkooda si wanaagsan u gutaan, oo xilka loo igmaday ee ay qaranka u hayaan halkoodii kaga hayaan, wax walba wey inoo hagaagi doonaane”.

Wasiir Caddami mar uu ka hadlaayey Guddidii Sicir bararka loo xilsaaray ayaa yidhi “Guddidii uu Madaxweynuhu u magacaabay Sicir bararka, wey shaqaynaysaa, Guddidana waxa laga rabaa inay hadh iyo habeenba shaqeeyso, dadkuna in badan bay samreen, ee samirkii ha sii wadeen,  in la dadaalana waa qasab”.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, oo isna aanu wax ka weydiinay waxa ka jira Ciidamadan gadoodsan ee la sheegay inay isaga la kulmeen Xarunta Barlamaankana yimadeen, ayaa ku jawaabay “Laba Askari  ayuun baa aniga ii yimid, Ciidan iimuu iman, Golahana igumay iman, markaas wararka la iga baahiyey, waa been”.

Dhinaca kale Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, ayaa Madaxweynaha ugu baaqay in sicir bararka, uu sida ugu dhakhsaha badan uu wax uga qabto, waxaanu xusay in sicir bararku dhib xoogan uu ku hayo Bulshada.

 

 

 

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews