berberatoday.com
Wasiirka Deegaanka Oo La Waydiiyey Sababtay Sida Wasiirrada Kale Uga Dhex Muuqan Wayday Ololaha Xisbiga KULMIYE Iyo Jawaabta Ay Ka Bixisay
May 12, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ka jawaabtay Su’aal laga waydiiyey Sababta ay sida Wasiirrada kale ee Xukuumadda uga dhex muuqan wayday Ololaha Xisbiga KULMIYE.

Warka Wasiirka Deegaanka

Wasiir Shukri waxay sheegtay in Ujeeddada uu Madaxweynuhu u Magacaabay tahay inay Bulshada u shaqeyso oo ay isbeddel dhanka Horumarka Dalka samayso, haddiise laga tagi-waayo ay Ololaha Xisbiga KULMIYE qaybteeda ka qaadan doonto marka wakhtigiisa la gaadho.

Wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo Arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi “Digreetadu waxay ku soo baxday Shaqo oo la ii diray, Madaxweynuhu Shaqo ayuu ii diray, markaa ololuhu wuu dambaynayaa ee bal horta shaqadaada ka soo bax. Wasiirro ayaanu nahay, Wasiirrada waxa loo idmaday inaanu shaqayno oo aanu Ummadda u shaqayno, Xafiisyada nimaadno oo aanu Isbeddel samayno, Waayo? Haddaad Wasiir wanaagsan tahay oo shaqaynaya waxaad u gogol-xaadhaysaa ololaha dambe, maaddaama oo aad Xisbi ku tiirsan tahay, markaa Xisbigaa aanu ku tiirsanahay ee KULMIYE inuu nagu faano oo yidhaahdo Wasiirradayadii waa kuwaa Shaqeynaya mooyaane (wax kale ma jiraan).”

Marwo Shkuri oo hadalkeeda sii wadataa waxay intaa raacisay “Shaqadaydaa badan, oo Safarradayda ayaa badan, Waddankaa dhan ee aad arkayso in Dhul la isku wada haysto, ee meel walba wax ka taagan yihiin ayaanu ka shaqeynayaa, ololaha markay wakhtigeeda gaadhana waalla geli doonaa.”ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay oo ay ka hadashay Duur-joog laga xaday Somaliland, kuwaasi oo la geeyay Dalalka Carabta.

Wasiirka Deegaanku waxay sheegtay in Xayawaan u badan Harimo-cad oo tiradoodu gaadhayso 1,102 oo laga xaday Somaliland la geeyay Dalalka Khaliijka Carabta.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews