berberatoday.com
Xaaska Uu Ka Geeriyooday Guddoomiyihii Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Sheegtay In Xoog Lagaga Saxeexay Inay Toddobaad Kaga Baxdo Guri Ay 20 Sanadood Ku Jirtay
May 12, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Amran Maxamed Suldaan Xuseen Aabi oo ah Xaaskii uu ka Geeriyooday Alle ha u naxariistii Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Ducaale, ayaa sheegtay in Dawladdu u qabatay inay muddo 10 Maalmood Gudahood ah kaga baxdo Gurigii ay ku jireen iyada iyo Carruurtii uu ifka kaga tagay Cabdiraxmaan Ducaale, kaasi oo ku yaalla degmada Ibraahim Kood-buur ee Magaalada Hargeysa.

Warka Koowaad

Marwo Amran oo Shalay Saxaafadda kula hadashay Guriga laga saarayo, ayaa sheegtay in Doraad Ciidamo Booliis ah oo wata laba Gaadhi Guriga ugu tageen isla-markaana geeyeen Saldhigga Booliiska ee degmada Ibraahim Kood-buur isla-markaana ku Amreen inay saxeexdo Warqad ah inay Muddo 7 Maalmood ah kaga baxayso Guriga, kaasi oo ay sheegtay inay ku noolaayeen muddo 20 Sannadood ah, yahayna Gurigii uu kaga dhintay Saygeedu.

Marwo Amran oo Arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi “Magacaygu waa Amran Maxamed Suldaan Xuseen Aabi Suldaan Cilmi, waxaan ahay Marwadii uu ka dhintay  Guddoomiyihii Baanka Cabdiraxmaan Ducaale, Gurigan waxa lahaa Bangiga waxaana Cabdiraxmaan Siiyey oo uga Baxay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxaanuna ku jirnaa labaatan Sannadood.”

Marwo Amran waxay sheegtay in Gurigan uu Cigaal siiyey Cabdiraxmaan Ducaale uu mar gubtay isla-markaana ay iyadu dib u dhistay, “Gurigu wuu gubtay waanan dhisay, Baanka iyo Dawladda kale midna ima Gacan qabanin, Guryaha kalena waxa dhistay Inantayda oo Maraykanka joogta Fayruus Cabdiraxmaan Ducaale oo Saddex Guri baanu ku leenahay (oo aanu ka garab dhisnay Gurigii hore).” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay iyadoo faahfaahinaysa sidii Booliisku ugu yimaaddeen iyo waxyaabihii ay waydiiyeen, “Shalay (Doraad) waxa ii yimid Laba Gaadhi oo Booliis ah, waxa la igu soo bax, waxaan idhi maxaa dhacay?, dabadeedna waxa la ii afduubay oo la geeyay Saldhigga Booliiska ee Ibraahim Kood-buur, waxa la igu yidhi Warqaddan Saxeex, waxaan idhi maxaan u saxeexayaa.? Waxa la igu yidhi inaad Guriga 7 Cisho kaga baxayso, haddii kale waa lagu xidhi, Alaabtana Dibaddaa laguu dhigayaa. Waxaan ku idhi Taliyaha Saldhigga Kood-buur hala i siiyo 3 Bilood (Si aan guriga uga baxo), dabadeedna wuxuu Telefoonka kala hadlay Jananka Booliiska, dabadeedna wuxuu ku yidhi (Jananku) Hal Maalin loogu dari-maayo, maxaa dhacay baan ku idhi, waxa la igu waa Amar naga sareeya, Annaguna Askar baanu nahay oo amarkaa waanu fulinaynaa. Markaas ayaan khasab ku saxeexay Warqaddii (Inaan Guriga kaga baxayo 10 Maalmood Gudahood), laakiin meel aan uga baxo Guri aan Labaatan Sannadood ku jiray ma garanayo.”

Xaaska uu ka dhintay Guddoomiyihii Baanka dhexe ee Somaliland, waxay sheegtay inay aaminsan tahay in loo eryanayo oo Guriga looga saarayo in aanay Somaliland u dhalan Awgeed, sidaa darteed ay door-bidayso in loo Mastaafuriyo Kililka Soomaalida Itoobiya oo ay sheegtay inay ka soo jeeddo, “Anigu Somaliland waan u dhalay, waanan u dhashay oo Hooyaday-baa reer Somaliland ah, Aabbahay-bay dhaleen, Ayeeyooyinkay baa ah, hasa-ahaatee Naftayda Ogaadeen baan ahay oo Kililka Shannaad baan u dhashay. Markaa Guryaha (Dawladda) way ku wada jiraan Reer Sheekh Isaxaaq, laakiin Aniga waxa la ii eryanayaa Ogaadeen ahaan oo Guriga la iiga saarayaa.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay inay habboonayd in Dawladdu ula soo xidhiidho si ka duwan sida loola dhaqmay, “Dadka hadalbaa loola yimaaddaa ama Waxtar baa loola yimaaddaa, oo waxa la yidhaahdaa Guriga waanu u baahanahay ee Adigu Guri kale dhiso, laakiin Hadal la iilama imanin, Guriga Maxas-baa joogta oo uu Odeygu kaga tagay (Cabdiraxmaan Ducaale). Markaa haddii Ogaadeen ahaan la ii eryanayo waxaan doonayaa in la qaado oo la i geeyo Jigjiga, ilayn waa Mastaafuris’e. haddaan Oromo ahay, Cabdiraxmaanna uu Oromo ahaa, ilayn Oromada ayuun baa la yidhaahdaa waalla Mastaafurinayaaye, Baabuur hala ii keeno oo Waddankaygii hala i geeyo.”

Marwo Amran waxa kale oo ay sheegtay in Cabdiraxmaan Ducaale aanu uga tagin jago keliya oo ay imika Guriga ka dhistaan, “Cabdiraxmaan Ducaale uma qabo inuu ka dhashay Somaliland, waayo? isaga iyo Maxamed Ibraahim Cigaal ayaa dhidibada u taagay Somaliland, markaa haddaan la ixtiraamayn uma qabo inuu ka dhashay (Isaaq)…” ayay tidhi, waxayna intaa sii raacisay “Cabdiraxmaan iigamuu tagin, kumana Arag Hal boos oo aan dhisto Imika, waayo? ma ahayn Nin Waddanka Booba, wuu heli karayey inuu Fooqyo dhisto, hase-ahaatee Aakhiradiisa ayuu tagay isagoo Nadiif ah.”

Dhanka kale, Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hadda ka hadal Dhawaaqa ka soo yeedhay Marwo Amran.

Wasiirka Hawlaha guud oo Wargeyska Himilo Xalay dhowr jeer isku dayey inuu Arrintan wax ka waydiiyo ayaanay noo suurto-gelin inaanu Khadka Telefoonka ku helo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews