berberatoday.com
“Rayale; Wuxuu Ahaa Hoggaamiye Dalka U Tudhaya, Waxase Xukuumadani Wadaa Meesha Yaan Shilin Lagaga Tagin”Cabdi Haybe
May 13, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey Xukuumadda, waxaanu sheegay in mudadii uu Xisbiga Kulmiye taladda dalka hayey aanay dalka u tudhin.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Dhul ku dhaw Dekadda Berbera oo sharciyaysan oo uu sheegay in la siinayo DP world, waxaanu soo jeediyay  in laga feejignaado, oo aan lagu deg degin, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlay Daahir Rayaale  “Daahir Rayaale wuxuu ahaa Muwaadin xalaal ah oo dalka u tudhaya, Ictiraafka Somaliland daaqaqada ayuu soo saarnaa, balse lixdii sanno iyo badhkii uu Kulmiye fadhiyey, Guryaha, Madaaradda Dekaddaha iyo Guriyaha Dawladda iibisa mooye cid ictiraaf raadisay  garan mayno,waxay se Xukuumaddani wadaa meesha yaan shilin lagaga tagin ee ha la isa sii kaba raaciyo, oo ha la sii sareebayo”.

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu fariin u diraayey Madaxweynaha wuxuu yidhi “Madaxweyne waxaad ahayd Mujaahid xalaal ah, yaanad meesha ceeb kaga tagine is daba qabatee, odhotkan  iyo kuwan wax baadhaya ee aad imika ku soo hamaa-bartay, wax la baadhaya imika ma jirte, waa lagu kala tagay, ee Madaxweyne iyadoo lix bilood ku hadhay hadaad  soo hamabartay, haddii ay daacad ka tahay oo aad wax baadhayso, Madaxtooyada ka bilaaw”

Siyaasi Cabdi Haybe mar uu ka hadlaayey DP World ayaa yidhi “DP World, dhul sharciyeysanaa oo ay dadku lahaayeen, ayaa la leeyahay DP World Baa lagu wareejinayaa, oo aan aniguba dhul ku leeyahay, oo sharcigiisi iyo faylkiisiba waanu sidanaa, DP World haddii dekadii lagu wareejiyey, dekaddu inta ay u fidi karaysaa waa in yar ee dhulkii ka baxsan maaha in la yidhaahdo waa lagu wareejinayaa, mana aha in dadka lagu xad gudbo, qof walba oo halkaas dhul ku leh wuxuu haysta Fayl uu cashuurta ku bixinayey intaas oo sanno, ninka muwaadinka ahna in xaqiisa la duudsiyo, waa khalad, loomana baahna in qofna xaqiisa laga qaado, haddii ay se noqoto dhulka ay Dekaddu soo gaadhayso, oo DP World la siinayo, waa in lacag loo celiya ninka muwaadinka ah, oo qiimaha uu dhulku joogo la siiyaa”

Dhinaca kale wuxuu Siyaasi Cabdi Haybe sheegay in Xukuumaddu masuul ka tahay sicir bararka dalka ka taagan, waxaanu ugu baaqay in sida ugu dhakhsaha badan waxa uga qabato.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews