War-murtiyeedka Shirkii London Oo Ku Baaqay In Ahmiyad Gaar Ah La Siiyo Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya
May 13, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-War-murtiyeed laga soo saaray shirkii London ee loo qabtay dawladda Somaliya, ayaa ku baaqay in la xoojiyo oo la dardar geliyo wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.
War-murtiyeedka oo ka kooban 31 qodob, oo khuseeya dawladda Somaliya, ayaa waxa ku jira hal qodob oo ah qodobka 24aad oo ah baaq lagu xoojinayo sida ay muhiimka u tahay in la helo wada hadal dhex mara Somaliland iyo Somaliya. Qodobka ayaa u dhignaa sidan “Waxaanu ku baaqaynaa ahmiyada ay leedahay in la sii wado wada hadalada u dhexeeya dawladda federaalka Somaliya iyo maamulka Somaliland, waxaanan soo dhawaynaynaa balanqaadka dawladda Somaliya ee arrintan. Waxaanu rajaynaynaa in doorashada madaxtooyada Somaliland ee hadda qorshaysan November 2017 ay keeni doonto fursadii dib loogu xoojin lahaa, looguna dardargelin lahaa arrintan.”