berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Guddoomiyaha KULMIYE oo Natiijadii Shirkii Soomaaliya ee London ku Tilmaamay Duullaan Somaliand Lagu soo Qaaday
May 14, 2017 - Written by Berbera Today

“Caalamka ka garowsan mayno ninna waanu soo hubaynaynaa si uu kuu qabsado adna sii hurud, taasina socon mayso nabadna lagu heli maayo….” Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa duullaan lagu soo qaaday Jamhuuriyadda Somaliland ku tilmaamay natiijada shirkii dhawaan Soomaaliya loogu qabtay magaalada London ee carriga Ingiriiska, kaas oo lagu lafo-guray sidii cuno-qabaynta looga qaadi lahaa Soomaaliya.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad xisbiga KULMIYE ku soo dhaweeyey taageerayaal cusub oo ku biiray maanta, waxa uu si cad uga digay shirkaas iyo natiijadii kasoo baxday, waxaannu naqdiyey go’aanka beesha caalamku ku gaadhay inay garabgasho Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo uu ku tilmaamay nin u soo biyeystay inuu dhiso ciidamo uu Somaliland ku weeraro, waxaannu yidhi, “Toddobaadkan shir baa lagu qabtay London, shirkaasna waxay caalamka yidhaahdeen aynu caawinno Soomaaliya, laakiin lama odhanin Somaliland ma joogto, intii horrena lacag baa la dooni jirey oo madaxdii hore waxay odhan jireen dhaqaalaanu rabnaa oo dadkii baa abaaro ku dhaceen oo naga qaxoonti ah ee na dhisa aannu dawladda dhisnee, laakiin waxa yimi wiil firfircoon oo adeerkii la sansaan ah oo yidhi ciidan halla ii dhiso aan dagaal tago’e.”

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu su’aal geliyey ujeeddada loo dhisayo ciidammada loo samaynayo Soomaaliya, isaga oo farta ku fiiqay in Somaliland oo hore xasuuq iyo dhibaatooyin kaleba loo geystay aanay weli u hollanin dhisme ciidan oo colaad huriya, “Ciidanka Farmaajo loo dhisayo ee uu doonayaa cidda uu dagaal tegayaa wa’ayo? Xattaa innaga oo wixii la ogaa innagu dhaceen oo diyaaraddii Hargeysa ka kacday ina duqaysay xattaa waynu ka baqanaa inaynu waxeenii sheegano oo waxaynu nidhaahnaa ictiraaf baynu doonaynaa yeynaan waxba sheeganin,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada caalamka ee u heellan inay Soomaaliya ciidamo u dhisaan weydiiyey dareenka uu ciidankaasi gelinayo bulshada reer Somaliland ee xasuuqa iyo dhibaatooyinka gabbood-falka ahba loo geystay, waxaannu yidhi, “Waxaan weydiinayaa Farmaajo iyo qoladan wadata ninkii wax dilay ee wax xasuuqay marka uu maanta ciidan dhisanayo kii uu xasuuqay ee uu diyaaradaha la dhacay ee meydkiisa iyo qaxoontigiisu banka wadhnaa muxuu yeelayaa? Geeska Afrika sidaas maku degayaa bay idinla tahay? oo raggii dhintay miyeynu khiyaamaynaynaa oo waxaynu odhanaynaa kuwaasi ha iska dhinteene annaga uun hanna laynina.”

Guddoomiyuhu waxa uu si cad u sheegay inuu ciidammada loo dhisayo Soomaaliya u arko dagaal qaawan oo Somaliand lagu soo qaaday, waxaannu yidhi, “Caalamka waxaannu u sheegayna ama London haku shiro ama New York haku shiro’e Ciidanka Farmaajo loo sameeyo ee maanta dawladdaas Muqdisho kaligeed loo abuuro waxaannu u aragnaa dagaal cad oo Somaliland lagu soo qaaday ninkii doonaaba haka qaybgalo’e.”

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu ka sheekeeyey sidii ay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya u midoobeen iyo sidii ay u kala tageen, isaga oo caalamkana u sheegay inaanay garwaaqsan doonin in labadii dal midna ciidamo loo dhiso mid la iska ilaawo, “Laba dalna waanu ahayn oo xoog ismaanu qabsan oo namay qabsanin oo isumaanu dhiiibin, 1960-kii baanu heshiis midnimo galnay, 1991-kii buu dumay oo nin waliba dantiisa ayuu u dhaqaaqay Somaliland iyo Soomaaliya, garanmayno caalamkana ka garawsanmayno ninna waanu soo hubaynaynaa si uu kuu qabsado adna sii hurud, taasina socon mayso nabadna lagu heli maayo,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Md. Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN KA DAAWO

https://youtu.be/g3yjBV2m0Ig

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews