berberatoday.com
Somaliland ma Dulugleh cad baa dusha kaga soo degay mise waa laga dhex-toosay si Hablaha dhaqan Celinta u jooga loo soo furto? !. Qalinkii A/rahman fidhinle .UK
May 14, 2017 - Written by Berbera Today
Boowe !..Ma…Weecsintii  iyo Beegsintii baa taasi inoo raacday !. Mise Alooskii iyo Agaasinkii Gudaha iyo Debeda ayaa isku gedmaday  !! Mise Qataabsi iyo Qurbaani baa lagu  jeedaa.. Mise Xaalku waa ka sii laac iyo Qudh-Qudho joogto ah  ?   Mise Gown iyo Maquuno qaybsigeedaa gorada lays geliyey  !!  Boowe …Malaa….Waa Qaliban !! Mise ….Waaba Suke ! Mise …Dalkaba hoostaa  laga hagaa?   Mise Xaalku waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar  oo caad iyo ciiro qarsoon baa laynagu indho sarcaadinayaa !! intaasina waa iga arar dadab-galkeedii ee bal aan hoos u soo dego !!……. !!
inaga oo bud-dhig iyo baleysin la inoogu garaabo uga dhigayna hadaladii iyo hawraartii maalmahan dawladu kaga hadleysay Hablihii Dhaqan celinta dalka loo keenay ee dib loogu celiyey dalalkii ay dhalasha u haysteen ee waalidkood kala soo cararay, inaga oo sii tix-raacayna tixdii iyo tiraabtii aan mariibneyn ee haw-wadeenadii dawlada ee hawshan qaabilsanaa  ay mikirifoonada kaga hugmeen, bal  aan Tooshka ugu yara  shidno ummadda wixii meesha ka dhacay  !
La’ye Hablo tiro badan oo dhaqan celin ah oo ka kala yimi wadamada USA, UK, Denmark, Sweden iyo Canada ayaa Somaliland la keenaa sanad kasta
La’ye Sirdoonkii reer Galbeedka ee dalalkaa ayaa helay sir ku saabsan in Goobaha wax lagu baro Hablahaasi sida boodhinada iyo Madarasadaha in lagu waxyeeleeyo
La’ye Hablahaasi waxay da’doodu u dhaxaysaa 15 jir ilaa 19 oo waxaa dalka loo keenay in ay bartaan dhaqanka suuban iyo diinta islaamka
Ku’ye Markii Sirdoonkii reer Galbeedku ay xog khaldan heleen ayaa dawladu ufududeysay in Ciidamada RRU ay Goobihii habluhu ku sugnaayeen galaan.
Ku’ye Hablihii oo ilaa 17-21 ruux ah ayaa goobtii laga soo daabulay oo 15 hablihii ka mid ah ayaa dib loogu celiyey wadamadii ay dhalashada u haysteen.
Hadaba Arntani waxay mushatamaca reer Somaliland iyo waalidiintii caruurta dhalay ay daaha uga faydaysaa in uu Dalkii Somaliland uu sii fashilmaayo  mudooyinka danbe
Waxaa ummadda u cadaatay in Nidaamkii amni iyo Nidaamkii sharci ee dalka ay Hayado xoogani ay soo faro geliyeen oo ay xoog ku leeyihiin arimaha gudaha ee dalka.
Waxaa ummadda u cadaataya in Xukuumadii ummadu dooratay ay noqotay nugul si fudud  Amaawiirta Shisheeya u fulisa maadaama shuruuc ay la shir tagto aanay hore ugu sii sameyn khataraha ku gedaaman caruuraha naftoodu isweyday ee qurbaha laga soo dhaqan celiyo
Waxay aheyd in Dawdaha reer Galbeedku ay sharciga Somaliland ay qadariyaan sida Somaliland ay u qadariso Shuruucdooda. Waxaa Meesha yaala wuxuu ahaa  iswaafajinta iyo hab-nololeedka iyo hab-dhaqanka habluhu tirsanayeen markii Goobta Habluhu degan yihiin la tegay. Markii Goobta la tegay ee Hablaha la wareystay waxaa Cabashada habluhu ku soo ururtay nabadgelyadooda iyo sidii loola dhaqmayey intii ay Goobta Joogeen ( Health and safety and Safeguarding issues )
Waxay aheyd in markii la ogaaday in aanay wax xag-jirnimo ah oo khatar ku ah Dawladaha Galbeedka, Somaliland iyo nafta Hablaha qudhooda in cidii dacwad qabtaa ay dacwad ka furato hayadaha ay arintani khusayso , Laakinn taasina may dhicin waana Nasiib-daro.Waxaana halkaa ka muuqata in Hayadihii Dawlada ee hawshaas lahaa ay halkaa ku fashilmeen. Waxaana ay arintani noqon doontaa Wado-Halaq Mareen ah.. Waana loo joogi doona hadii aan laga sii tashan!
  Bayaamin
 Dawladaha reer Galbeedka Caruurta ku dhalataa waxaa sharcigoodu siinayaa in ay caruurtaasi leedahay xuquuq buuxda iyo xasaanad badan oo ugaar ah
oo ay ula baxeen  ( Child Protection  Policy and Safeguarding legislation ) )
– Waxay indho qudhaanjo ku eegaan in caruurta la ciqaabo ama la faro xumeeyo oo ciqaab maskaxda ah ama jidhka ah lagula kaco.
-Waxay ka soo hor jeedaan in Caruurta la garaaco, la karbaasho ama la jidh-dilo ama la xidho oo la cabsi geliyo.
– Waxay ka soo horjeedaan in Caruurta maskaxdooda la masaxo oo Xag-jir laga dhigo ama cunsiriyad guud ama mid gaar ah lagu abuuro.
– Ma ologa in Caruurta lugaha laga xidho oo sil-silado ama xadhko lagu xakameeyo oo xidhiidha qoyskooda iyo asxaabtooda laga jaro.
– Waxaana ay wadamada reer Galbeedku u sameysteen arinkan shuruuc Caalami ah oo adag sida (  United Nations Convertion of the rights of the Children UNCRC )
– Caruuraha Wadamadan reer  Galbeedka ku dhasha ama ku koraa waxaa lagu barbaariyaa in aanay qarin dhib kasta oo loo gaysto waxaana ay yaqaanaan goobihii iyo surimadii ay ka dacwoon lahaayeen ee ay la xidhiidhi lahaayeen iyo sifihii ay ula xidhiidhi lahaayeen. Sidaa daraadeed waxa Caruurtani ay si yar oo siliq ah ay ubixin karaan xogo ama (information ) khaldan taas oo dhibaatooyin aan la mahadin gaadhsiin karta Goobaha Iskuulada ama madarasadaha ay wax ku bartaan iyo Caruuraha kale ee ay wax la bartaanba. – Dawladaha Reer Galbeedka waxaa dal walba u qaabilsan arintan Sarkaal dhul jiif ah oo qarsoon oo Hayadaha aynu gacmaha hoos dhigano ku dhabacda kuna dhuunta oo hawshiisa hoosta ka wata.
 Talo Soojeedin Muhiim ah.
1- Waxaa Xukuumada Somaliland looga fadhiyaa in ay Gudi hawshan Baadha ay u saarto sida ugu dhakhsaha badan inta aan hadana laga dul toosin iskuulada kale ee boodhinka ah ee caruurta qurbuha ee dhaqan celinta ujooga ay ka buuxaan ee dalka ku filiqsan.
2- Waxaa Xukumada looga fadhiyaa in ay u sameyso guud ahaan dalka , gaar ahaan Schoolada Boodhinka ah shuruuc iyo xeerar lagu bad-baadiyo Caruurta ( Child Protection )  laguna xakameeyo cid kasta oo caruurta dhibaataysa..
3- Waxaa looga fadhiyaa in ay sharci adag oo qabta u sameyso cid kasta oo la xidhiidh toos iyo mid dadban caruurta la sameysa, sida Macalimiinta, iyo shaqaale hoosaadka goobaha ay ku sugan yihiin ka hawl-gala. si aanay  u soo huluulan goobaha caruurtu ku sugan yihiin macalimiin  fikirkooda bedela ama  duulkale oo faraxumeeya caruurta.
4- Waxaa looga fadhiyaa Xukuumada in si deg-deg ah ay hoos ugu naaqishto Manaahijta laga dhigo iskuulada boodhinada ah iyo madarasadaha dalka, lana waafajiyo Manaahijta Wasaaradda Waxbarashada ee qaranka.
5- Waa in shariyada ay xukuumadu Sameysaa ay waafaqsanaadaan Shuruucda Caalamiga ah ee Badbaadada Caruurta ( United nations Convension of the rights of the Children ( UNCRC)- Waana in Xukuumadu Sameysaa Gudida Daba-galka iyo Bad-baadada Caruurta Dayacan ee dalka ku sugan.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive Education BD PA
United Kingdom
London

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews