berberatoday.com
London”Go’aamo La Sheegay Inay Kasoo Baxeen Shir Ay Wada Yeesheen Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco
May 15, 2017 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Qaybaha bulshada rayidka ah ee kasoo jeeda Beelaha ku dhaqan Bariga iyo galbeedka Burco ayaa War-murtiyeed kasoo saaray kulan ay ku sheeyeen Magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Kulanka labada beelood ayaa sida war-murtiyeedka lagu sheegay waxa labada dhinac ku gorfeeyeen danaha arrimaha bulshada labada beelood, iyo sidoo kale xaaladaha ka jira deegaanada labada beelood wada degaan, waxa kaloo War-murtiyeedka lagu sheegay in labada dhinac qaban doonan shirar dambe oo daba socda go’aamada kasoo baxay wajiga hore ee is aragga labada beelood.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-murtiyeed loo qaybiyey Warbaainta, Warmurtiyeedkaas oo faahfaahsan waxa u dhigan yahay sidan: ..”Maanta oo ay taariikhdu tahay   17ka  Shacbaan Hijri 1438,  kuna  aadan 13th May,2017 waxa magaladda london, UK  shirwayne ku qabsaday ergooyin ka socda   labada  beelood  ee walaalaha ah  “Habar Jeclo & Habar Yoonis”. Ergooyinkaasi waxay ka hadleen  dareen ka dhashay wadahadalo muddo dheer  u socday  Bulshada Rayidka ah  “ civil society” . Wadahadalkas waxaan ka qayb gelin Siyaasiyiinta ,Ganacsatada Waawayn iyo kuwa danaha gaarka ah leh “ Special interest Groups”.  Doodahaas waxa lagu xusay  inay  labada beelood wadaagaan  dhiig  & dheecaan  kuna arooraan Hoy  barakaysan  oo ah  “ Ahlul-Bait” . Waxa la iftiimiyay inay labada beelood   wada degaan lix   gobol  oo kala ah Sool, Sanaag, Saaxil, Saraar,  Togdheer iyo  Zone 5 .  Waxa la qiray in labada beelood hormood ka ahaayeen halgankii dheera ee gobanimadoonka iyo dib-usoo celintii xoryada Somaliland .

Waxa la aqoonsaday in midnimadda labada beelood dani ugu jirto  Somaliland iyo guud ahaanba  Geeska Afrika. Waxa la dareemay inay labada beelood kala fogeeyeen siyaasiyiin dano gaar ah lihi,  taaso  dibudhac wayn ku keentay Gobollada  Bari ee ay labada beelood wada degaan.   Markii arrimahaa si qoto dheer loo  lafa guray waxa laysla gartay  qodobadda soo socda :

1). In shirkan  daah-furka ah ee  ka dhacay  London,  loo   bixiyo  “ Midnimo 1 “.  Si loo daadejiyo dareenka bulshada ,waxaana Gobolka Togdheer  iyo Gobollada kaleba lagu qaban doonaa Midnimo 2,   Midnimo 3, Midnimo 4 , Midnimo 5 iyo Midnimo 6.  Waxa  la samayn doonaa Guddiyo  Joogta ah , Xeer Hoosaadyo  lagu dhaqmo iyo  Geedi-socodyo la higsado “ Roadmap”.

2). Waxa magaalooyinka waawayn  laga furi doona Guryo goglan oo ay ku  kulmaan   bulshada rayidka ahi, siiba dhalinyaradda, aqoonyahanadda, culimadda, odayaasha iyo haweenka.  Guryahaasi   waxay fududayn doonaan  isdhexgalka , isbarashada iyo iskaashiga bulshawaynta labada beelood.

3). Qurbajoogta labada beelood  waxay kaalin mugleh ka qaadan doonta  dhamaystirka mashruucyada qabyada ee Gobollada Bari laga bilaabay oo ay kow ka tahay  jidka Erigavo-Burco- Hargeisa. Waxa la unki doona  Guddi Cadaadis “ Pressure Group” oo Xukuumadaha soo socda ku cadaadiya  inay si cadaalad ah  ugu  qaybiyaan Gobollada Bariga & Galbeedka  Somaliland, mashruucyadda horumarinta ,kaabayaasha dhaqaalaha, mucaawinooyinka dibedda  iyo adeegyadda bulshada.

4) Goboladda Barigu waa xudunta dhaqaalaha Somaliland “ Economic hub”  . Gobolka Togdheer  waa sayladda ganacsiga xoolaha ee ugu wayn Afrika.  Saraar & Daadmadheedh waxa ceegaaga shidaal & Gaas ; Gobolka Sanaag waxa u gaara Beeyadda ; khayraadka badda ee ku jira  xeebaha  ugu dheer Somaliland  ee taxan min Berbera ilaa maydh  ;  Macdanta silsilada Golis ; dalxiiska buuraha Daallo  . Hadaba, si looga fai’daysto khayraadkaas dehin , waxaanu samayn doona  daraasado cilmiyaysan “ feasibility studies”  oo ay maalgashi wadajir ah“ joint ventures” ku  sameeyaan dadka deegaanka u dhashay iyo cidii kale ee danaynaysaa.

5) Waxaanu si buuxda u aaminsanahay Distoorka Qaranka Somaliland ee qeexayaya in muwaadinku xor u yahay xisbigga uu ku biiraayo iyo qofka uu  codkiisa siinaayo ee ku  metelaya Golayaasha  deegaanka, wakiiladda iyo Madaxtooyadda. Waxaanu kula talinaynaa cidkasta oo ay  khusayso in cod-bixiyaha  loo daayo xuquuqdiisa distooriga ah “ Constitutional rights “ oo aan la  cadaadin . Waxa kale oo aanu  uga baaqaynaa   siyaasinyiinta Somaliland  inay ka fogaadaan   kala qoqobka bulshada , xisbiyadda qarankana   inay joojiyaan ololayaasha beelaysan.

6) Waxaanu ku boorinaynaa beelaha  Somaliland   ee wadaaga deegaan  & derisnimo   inay samaystaan golayaal iyo madallo ay ku kulmaan  kuna lafo guraan nabadeglyadda  iyo horumarka deegaanada ay wadaagaan . Ugu danbayn, waxaanu  si  buuxda  ah u  difaacayna  jiritaanka  iyo qaranimadda Somaliland. Wa Bilaahi Towfiiq. Guddida Midnimada Habar Yoonis iyo Habar-jeclo.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews