berberatoday.com
Goorma Ayay Soo Galaysa Bisha Barakeysan Ee Ramadan
May 15, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(BGM) Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa soo gali doonta, maalinta sabtida ee taariikhda ay ku beegantahay 27-ka bisha May.

bisha

Golaha Fiqh Council of North America (FCNA), ayaa laga soo xigtay in 27-ka Bisha May ay ku beeganatahay curashada Bisha Ramadaan.

Dhinaca kale bulshooyinka Muslimiinta ee dalalka Yurub ku nool, ayaa sheegaya in 27-ka Bisha May, ay ku beegantahay curashada bisha Ramadaan.

Waxay waajib noqonaysaa in la soomo Ramadaanta marka la arko bisha Ramadaan ama ay Shacbaan ku dhammaato soddon. Waxaana waajib ah in lagu soomo aragtida hal qof oo muslim ah oo aanan wax fiqsi iyo been lagu aqoon, laakiin bilaha kale lama aqbalayo wax ka yar laba qof oo Muslimiin ah oo wanaagooda la yaqaano. Lagumana afurayo wax ka yar argtida bisha ay arkaan laba qof oo Muslimiin caaddiliin ah ama in bisha soddoonkeeda buuxsamo.

Xadiis ku jira saxiixul Bukhaariga iyo Muslim oo uu soo weriyay Abuu-Hurayra A.K.R (Allaha ka raali noqda’e) wuxuu yidhi: ”Camal kasta oo bani aadamku la yimaado oo camal san ah waa loo lalaabayaa, wanaagna toban laab ayaa looga dhigaa ilaa toddaba boqol oo laab, Allaah waxaa uu yiri: ”Soonka mooyaane, soonka anigaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya, wuxuu qofka soomaani ka tagay hawadiisii iyo cuntadiisii aniga dartay” qofka soomani laba jeer ayuu farxaa; (marka uu afurayo iyo marka uu rabbigii la kulmayo). Urka afkiisa ayaana Alle agtiisa ka udgoon carafta Miskiga”.

Qofkasta oo Muslim ah waxaa ku waajiba inuu soomo sannad kasta bisha Ramadaan oo noqota 29-30 maalmood sida Qur’aanka iyo sunnada ku xusan. Qofkii beeniya faral ahaanta soonka, Islmaaka ayuu kaga baxayaa. Qofkii afura maalin soon isago haysan cudur daar caqli gal ah, waa danbiile weyn. Haddii la seego soomidda bisha Ramadaan cudurdaar la’aan caqli gal ah awgi, ama qofku dayaco inuu soomo waa ku faral inuu gadaal ka gudo, markii uu awoodi karo, inuu dhakhso iska gudo baana door roon.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews