berberatoday.com
Wasiirka Madaxtooyadda oo Xod-xodasho kusoo Lad-qabeeyey Suxufiyiin Shir-jaraa’id ku Dhaliilay
May 15, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa daba-yaaqadii todobaadkan Shir la yeeshay qaybo kamid ah Warbaahinta ka hawlgasha Somaliland, kulankaas oo sida la sheegay marka hore xuduntiisu ahayd cabasho qaybo kamid ah Warbaahintu ka tirsadeen in Wasiirka Madaxtooyaddu aanu si dhexdhexaad ah ula macaalin Saxaafadda, xilliyadda hawlo shaqadooda khuseeya ay ka jiraan qasriga madaxtooyadda.

Kulankan Wasiirka iyo Warbaahinta, ayaa sida xubno la socday arrinka Wargeyska Yool u sheegen in xubnaha Warbaahinta ee cabanayey inay kulanka ka hor shir-jaraa’id oo aarrinkooda la xidhiidha qabteen, hase-yeeshee markii Wasiirku maqlay Shir-Saxaafadeedka Warbaahinta ayaa sida xubnaha qaarkood tibaaxeen Wasiirku waxa uu oloolle u galay sidii u baajin lahaa Warka ku saabsan tabashada Saxaafaddu ka qabto, kaddib isagoo isticmaalaya xubno isagga ka ag dhow, docda kalena xidhiidh la leh Warbaahinta qaarkood, waxa uu dalbaday in loo keeno Warbaahinta ka cabanaysaa, si uu markaa loo keeno Wariyaasha ay ugu suurto gasho laba-arrimood-ba.

Inuu Weriyaasha usoo bandhigo gaar ahaan xubnaha tabashada qaba inay hortiisa ka gudbistaan cabashadooda, maadaama uu yahay Nin-ka ay ka cabanayaan iyo qodobka labaad oo ah inuu hantiyo ama helo muuqaaladii laga duubay warbaahinta ka cabanaysay, si uu meesha uga baxo in aanu Warkaasi baahin, waxana aakhirkii u suuro gashay wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi inuu hantiyo warfidiyeenadii ka cawday, isagoo aan wax cabsi ah ka qabin muuqaaladii Wariyaashu iska duubeen inay baahan, sidoo kalena ka dhigay af wax cunnay xisho kaddib markii u qaybiyey qadar lacag ah oo aan buurnayn, balse maalin dagaal ku filan.

 

 

Xigasho Yoolnews.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews