berberatoday.com
Iska Hor imaad Khasaare Sababay Oo Berbera Ku Dhex Maray Ciidamada Booliska Gobolka Saaxil Iyo Shacabka Xaafad Kamid Ah Magaalada Berbera+Sababta Keentay Iska Horimaadka”Daawo Sawirada
May 16, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Iska horimaad rasaas nool laysu adeegsaday ayaa dhedxmaray Ciidamada Booliska Berbera oo garabsanaya Ciidamada ka hortaga Argagixisada ee RRU-da iyo Nin kamid ahaan jiray Jabhadii SNM oo lagu magacaabo Faysal Wadka kadib markii ninkaas Jabhadka ahaa goob uu ka daganyahay magaalada Berbera uu amar ku bixiyay Gudoomiyaha Gobolka Saaxil in laga dumiyo oo laga raro goobtaas oo kutaala agagaarka Xereda guutada ee Berbera mudo dheerna uu ninkaasi Faysal Wadka lagu magacaabaa daganaa kana furtay goob lagu Sameeyo Jaajuurka Guryaha Lagu Dhiso.

Markii Ciidamada Boolisku goobtaas yimaadeen ayaa waxaa goobtaasi ka dhashay buuq iyo sawaxan iyo waliba muran dhex maray ciidamada iyo Ninkan goobta dhisanayey taas oo sababtay in ay dhex marto israsaasayn xoogan oo magaalada oo dhan laga maqlaayay rasaasta lays waydaarsanayo.

shacabkii xaafadaas Mujaahid Faysal Wadku daganyahay ayaa isu soo bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan talaabada Mujaahidka lagaga duminayo goobta uu daganyahay Sameeyay kadibna Ciidamada Boolisku ayaa u adegsadaan Rasaas nool waxaana dhacday in shacabkii xaafadaasi daganaa gadood kasameeyaan qaabka ay ciidamadu ula dhaqmeen Faysal Wadka,waxaana ay shacabku bilaabeen tuurista dhaxaan ay la beegsanayaan ciidamada booliska iyo RRU-da,halka ay ciidamadu shacabka ku rideen rasaas nool iyo sunta Gaas maasta oo dadka kaga ilamysiisa.

Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Saaxil oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka dhawaajiyey in ninkan goobta dhisanayey ee lagu magacaabo Faysal Wadku uu rasaas kusoo furey ciidamada markii ay goobta gaadheen intaasi kadib na ay Meesha ka dhalatay fowdo iyo israsaaseyn xabado laysugu jawaabay isaga oo taliyaha qeybta boolisku sheegay in goobta uu ninku daganyahay sharcidaro uu ku daganaa oo Maamulka Gobolka Saaxilna bixiyay amarka lagaga raraayay.

Dhawaqa rasaasta la is waydaarsanayo ayaa muddo kooban socotay,waxaana ay ciidamadu ku guulaysteen inay kala dareeriyaan shacabkii gadoodsanaa iyaga oo sidoo kale xidh xidhay qaar kamid shacabkii gadooday oo isugu jira dumar iyo dhalinyaro,waxaana taliyaha ciidamada Booliska gobolka Saaxil uu sheegay in uu goobta ka baxsaday Faysal Wadka oo ah ninka goobtan rabashadu ka dhacday dhisanayey ilaa hadana aan la qabanin hase yeeshee lagu daba jiro.

Iska hor imaadkan ayaa waxa ka dhashay khasaare dhaawac oo dhan ilaa 10 qof oo iskugu jira labada dhinacba ee shacabka iyo ciidamada kuwaas oo xaaladooda caafimaadka lagula tacaalayo cusbitaalada magaalada Berbera.

 

Goordhaw Filo Warkan oo Muuqaal ah

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews