berberatoday.com
Saxafiyadda Caanka Ah Ee Aamina Muuse Weheliye Oo Ka Sheekeysay Tacadiyo Murugo Badan Uu Geystay Yuusuf Garaad Xilligi BBC-da Iyo Dhacdooyin Ka Baxsan Xuquuqda Aadamaha Oo Kula Dhaqmay…
May 16, 2017 - Written by Berbera Today

Saxafiyadda Caanka ah ee Aamina Muuse Weheliye Oo Ka Sheekeysay Tacadiyo Murugo badan Oo U Geystay Yuusuf Garaad Xilligi BBC-da Iyo Dhacdooyin Ka Baxsan Xuquuqda Aadamaha Oo Kula Dhaqmay…

Ma garanaayo ilaa iyo haddatan la joogo oo muddo dheeri ka soo wareegatay sababta uu ninkaasi igu maagay, mana garanaayo waxa aan ka bi’iyey, wuxuuse iigu xadgudbay si weyn, wuu i ciilay anigoo weliba ku nool dal aan la isku ciili karin oo sharcigu ku xoog badan yahay, malaha Soomaalinimadaan ugu turayee, malaha dumarnimadaa i nugleysiisay, malaha shaqada ha waayin baan is lahaaye, malaha dalkaagi dagaal baa halakeeyey shaqana kama jirto ee halkaan isku dhaji baan is lahaa, malaha caruur baad korsataaye ceyr ha mudan baan is lahaa, malaha, malaha, malaha ma garan karo sababta aan intaas oo dhibaato ah ugu dul qaatay, mudo sidaas u dheer.

Wuxuu igala dagaalay in aan horuumaro dhanka shaqada, wuxuu geed dheer iyo geed gaaban u istaagay in aanan dallicin, wuxuu ku tuntay xuquuqda asaasiga ah ee shaqaalenimo, kaligeyna ma ahayne badanaa shaqaalihii kale oo ila shaqeynaayey ayuu ku wada xadgudbaayey, laakiin aniga teydu waxey ahay maalin kasta, ma istaagto soo taagan oo aanu maalinna fasax ka qaadan, wuxuu noqday qofka ugu badan oo aan ka welwelo hadh iyo habeen muddo kow iyo toban sannadood ah oo uu madax ii ahaa.

Subaxdii markaan hurdada ka tooso oon shaqada isu diyaarinayo, waxaan la fekeri jiray bal waxa aan maanta kala kulmi doono, siduu iila dhaqmi doono, intaan shaqada u sii socdo oo aan trainka sii saaranahay, waxaan ka welweli jiray sida maalinteydu noqon doonto, markaan shaqada soo dhameeyo intaan aqalkeygii u sii safraayana waxaan ka ilmeyn jiray uurka iyo indhahaba wuxuu maalintaas igu sameeyey, siduu iila dhaqmay iyo siduu ii bahdilay.

Wixii i soo maray aniga iyo Ilaah iyo isaga igu gabood falay uun baa og, waase lama ilaawaan,waxaan xadgudbyada uu igula kacay ku mutay xanuun weyn, waxaana noqday dhibane aan cid difaaceysaana jirin, ma hubo in aan cafin doono iyo in kale balse waxaan hubaa in aanan ilaawi doonin xasuusta mahadhada ah ee ay ugu reebeen xadgudubyadaas uu igula kacay nin ka madax ah meel yar oo iskaba kooban, shaqaale aan ka badneyn gebigoodaba 20 qofoodna ka shaqeeyaan, waase mahadho taariikhi ah

Aamina Muuse Weheliye Oo Ka Sheekaysay Waxyaabihii Iyo Tacadiyadii Uu Yuusuf Garaad Kula Kacay Markii Uu Bbc.da Ka Madaxda Ahaa

 

 

Aamina Muuse Weheliye

London Uk

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews