berberatoday.com
Yaa Siiyay Guriga Marxuum Cabdiraxmaan Ducaale Caruurtiisa Lagu Haysto”W/Q Boqor Surud Madow
May 16, 2017 - Written by Berbera Today
Image may contain: 1 person, close-up
Image may contain: 1 person
Image may contain: 1 person

Muddo kooban ka hor shirwaynihii Beelaha Soomaaliland iskugu yimaaddeen Magaalada Hargeysa 1997, si loo doorto Madaxweyne Cusub, ayuu Madaxweyne Cigaal Baarlamanka Soomaaliland ka codsaday inay u ogolaadaan kharashka lagu dayactirayo Gurri ku yaala Halka ay Xaafadaha Shacabka iyo Xera-Awr ku kulmaan si uu Gurrigaa u dago haddii Doorashada Madaxtinimada aanu ku guulaysan. Hase ahaatee Markii Doorashadii Madaxtinimada uu ku Guulaystay Madaxweyne Cigaal oo uu baaqi ku sii ahaaday Qasriga Madaxtooyada, ayuu Gurrigii amray inuu dego, af hayeenkii Shirwaynaha Beelaha Soomaaliland 1997 oo doorashadii ka dib noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliland Mudane Maxamed Cabdi Gabboose. Wasiir Gabboose markii shaqada Qarranka laga nasiyay ayuu ka baxay Gurrigii. Muddo yar ka dib Cigaal waxa uu ka war helay in Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Soomaalilaand Mudane Cabdiraxmaan Ducaale uu degan yahay Huteel Magaalada ku yaala oo uu sidii Soolanaha u noolyahay. Madaxweynuhu wuxuu amray in Cabdiraxmaan Ducaale Gurrigii Gabboose ka baxay dego. Cabdiraxmaan sidii buu u deganaa Gurriga illaa iyo maanta.

2002 dii Markii Cigaal dhintay ayay dad badan kula taliyeen Caruurtii uu Cigaal ka dhintay inay doontaan Gurrigii uu Madaxweynuhu naftiisa u qorsheeyay, Qarankana uu xaqqa ugu lahaa, hase ahaatee way ka gaws adaygeen in Cabdiraxmaan Ducaale oo ay Cigaal saaxiib dhaw ahaayeen ay Gurri ku qabsadaan. Mar dambena waxa la xaqiijiyay in Madaxweyne Cigaal si rasmi ah Gurriga lahaanshiyiihisa ugu wareejiyay Cabdiraxmaan Ducaale.

Wakhtiga uu Cabdiraxmaan Ducaale Gurriga u soo wareegay, waxay aad ugu dhawdahay wakhtigii Dawladda Cigaal u ogolaatay in Ahmed Maxamed Siilaanyo oo ahaa Wasiirkii Maaliyadda Soomaalilaand uu galo Gurriga Dawladdu lahayd ee ku yaala State House agtiisa ee uu lahaanshiyhiisa illaa iyo maanta ku magacaabanyahay.

Anigu waxaan u malaynayaa in Gurriga Cabdiraxmaan Ducaale uu ka duwanyahay dhinaca sharciga iyo lahaanshahaba Dhamaan Guryaha kale ee Dawladdu leedahay ee shacabka iyo siyaasiintu ku jiraan. Gurrigan waxa uu ahaa xuquuq uu Madaxweyne Cigaal Qarranka ku lahaa oo Dastuurku u jideeyay Madaxweyne iyo kuxigeen kasta oo Waddanku yeesho. Cigaalna Gurrigii uu Qarranka ku lahaa ayuu si shakhsi ah u siiyay Cabdiraxmaan Ducaale. Waxay arrintani ka dhigantahay oo kale iyadoo Madaxweyne Daahir Rayaale, iyo Madaxweyne Ku xigeenaddii hore ee Ahmed Yusuf Yasin, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, iyo Xassan Ciise Jaamac Guryaha ay ku jiraan ee Qarranka ay xaqqa ugu yeesheen, ee ka baxay xayn daabkii lahaanshaha Dawladda ay cid ama shakhsi gaar ah ku wareejiyaan.

Gundhiga fariintani waxa weeye Xaq iyo xeer toona maaha in Cabdiraxmaan Ducaale caruurtiisii laga saaro Gurri uu ku mutaystay tacabkii uu waddanka galiyay, isla mar ahaantaana Madaxweyne Qarranku siiyay uu isaga ku wareejiyay.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews