berberatoday.com
Basaaskii Reer Masar ee Sirta Wadankiisa U Gudbin Jirey Dalkii Ay Cadawga Ahaayeen Ee Israa’iil. ( Fadlan Walaal Akhri Qeybtii Koowaad warbixin Arimahaas Ka Hadlaysa W/Q Abdulahi Nur Colombo
May 17, 2017 - Written by Berbera Today

Muddo hadda laga joogo 44 sanno, kuna beegan sannadkii 1973-kii, markii uu dhammaaday dagaalkii dalalka Masar iyo Suuriya la galeen Israa’iil, ayaa qoraa Yuhuudi ah waxa uu bannaanka u soo saaray dhacdo xiiso badan oo muujinaysa kiisas ka dhex dhacay taariikhda sirdoonka waqtiyadii ay socdeen dagaallada iyo khilafaadka Carabta iyo Israa’iil (Arab –Israeli Conflict) oo ilaa hadda wali laga doodo, hadal haynteeduna aanay dhammaan.

Qoraaga oo magaciisu yahay Uri-Bar Joseph ayaa buug uu soo saaray, waxa uu si xikmad iyo farshaxannimo leh ugaga sheekeeyey dhacdo uu sameeyey basaas caan ka ahaa sirdoonka Israa’iil iyo Masar oo uu labadoodaba u shaqayn jiray, gaar ahaan intii lagu guda jiray dagaalkii la oran jiray Yom Kippur, kaasoo saamayn ku lahaa awoodda iyo go’aan-qaadashada Masar ka hor iyo kadib markii dagaalku uu ka dhigay nin dhigay taariikh jiil ka jiil looga sheekeeyo, kaasoo faa’iido u noqday Israa’iil in ay noqoto qaran ilaa hadda dhidibada ku taagan.

Haddii aan dib u milicsanno taariikhdii uu ka tegay ee dunida ka yaabisay waxay ahayd inuu ahaa sababta Israa’iil guusha u keentay dagaalkii Sannadkii 1973-kii xilli ay quus ku dhawayd oo Suuriya iyo Masar weerar laba-geesood ah ku soo qaadeen.

Buugga Bar-Joseph ka qoray dhacdada ninkan waxa uu ku xusay in Marwan ahaa geesi hay’adda mukhabaraadka Israa’iil ee Mosad ka tirsanaa oo guul soo hooyey. Waxa kaloo uu sheegay in dalka uu ka soo jeeday ee Masar aannu khiyaamoole ka ahayn siduu ku dooday, hadda waa nin siro aad u culus ka iibiyey cadaw waqti dagaal socday.

Marwan magaciisa sirta ah (code name) waxaa uu ahaa “Angel.” Malagii Waxa uu 24 saacadood ka hor intii aanay dagaalka soo qaadin ciidammadii Carabtu war digniin ah u diray hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad. Wuxuu ahaa nin macluumaad badan ka haya millateriga Masar iyo qorshayaasha dagaal iyo hoggaamiyayaasha ciidammada kala duwan, waana ta keentay in Israa’iil guul weyn ku taamto waqtigaas oo jebiso ciidankii Carabta.

Buugga uu qoray ninka u dhashay Israa’iil, wuxuu inta badan isku waydiiyey su’aalo badan oo ah waxa kellifay qorista buugga ku saabsan qisada basaaska u dhashay dalka Masar ee la yiraa Marwan.

Waxa kale oo uu eegay sababta hay’adda sirdoonka Yuhuudda ee MOSAD u aammintay basaaskan reer Masar, haddana loo siinayey $50,000 ilaa $100,000 doollar waqti kasta oo uu macluumaadkiisa keeno bishiiba hal amma laba jeer, taasoo ay la socdeen hadiyado iyo alaabooyin kale oo qaali ah.

Waxa jawaabtu noqotay in ninkii Marwan xogta siinayey uu rabay inuu macluumaad baaxad leh helo, maadaama waqtigu ku adkaa Israa’iil, cabsi badanna ka haysatay in Masar iyo Suuriya dhulka la simaan, taasina waxay keentay in 24 saacadood ka hor intii aan la weerarin ay heleen macluumaad? Waxa su’aashu noqotay sababma ayuu Marwan uu dhawr maalmood ama toddobaad ka hor macluumaadka uu hayey u soo gudbin waayey?

Walaal intaas ayaan ku hakinayaa qeybta koowaad ee warbixintan la soco qeybta labaad Beri Insha allah.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan

Qormadan degelka Aljazeera waxaa ku qoray Ali Younis
Waxaana Turjumay: Ibrahim Khadar

Image may contain: 4 people, glasses, text and close-up
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews