berberatoday.com
Dr. Cali Khaliif Galaydh Oo Shaaciyey Wada-hadallo Ka Duwan Kuwii Hore, Oo Adduun-weynuhu Isku Hor-fadhiisinayo Somaliland Iyo Soomaaliya
May 17, 2017 - Written by Berbera Today

Buuhoodle(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Kooxda la baxday Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galaydh, ayaa Dadka ka soo horjeeda Wada-hadallada u socda Dawladda Somaliland iyo Kooxdiisa Khaatumo u soo jeediyey inay iimaansadaan inay ka mid yihiin Somaliland, maaddaama buu yidhi Adduun-weynuhu xilligan u soo jeedsaday in Somaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya u wada-hadlaan Koonfur iyo Waqooyi ahaan, taasina Khaatumo ku khasbayso inay ku tiirsanaadaan Somaliland.

Warka Koowaad

Cali Khaliif Galaydh, waxa kale oo uu sheegay in Qodobbada ugu waaweyn ee Kooxda uu Madaxda u yahay ee Khaatumo iyo Dawladda Somaliland ay ka mid yihiin sidii Somaliland Garowshiiyo uga bixin lahayd khasaare uu sheegay inuu ka dhashay dhibaatooyin hore u dhacay.

Mr. Galaydh oo ka hadlayey Kulan Kooxdiisa Khaatumo ku qabsadeen Magaalada Buuhoodle, ayaa yidhi “Wada-hadal socon karaa ma jiro haddaan Nabadgalyada si dhab ah looga shaqeynin. Sharciga Islaamiga ah, Mid Dhaqan iyo Mid Xeerba wuxuu inna farayaa Nabadda innagaa u wada baahan, oo lama kala maarmo. Labadayadaa Maamul, Somaliland iyo (Khaatumo) waxa ugu weyn ee aanu ka shaqeynaynaa waa si wixii hore u dhacayna Garawshiiyo looga bixiyo, meeshii Mag iyo Xaq celin looga baahdana in la bixiyo, nabad sii soconaysaa haddii kale ma jirto Somaliland iyo Khaatumo.”

Cali Khaliif Galaydh, waxa uu sheegay in Adduun-weynuhu wado qorshe si dhab ah Somaliland iyo Soomaaliya loogu wada hadashiinayo Koonfur iyo Waqooyi, “War yar baan idin siinayaa, Adduun-weynuhu wuu u soo jeedsaday Soomaaliya, Shirkii London-na waad maqleyseen, Adduun-weynuhu waxa (uu wadaa) Nabadgalyada Soomaaliya ayaanu ka shaqeynaynaa, Dawladda Federaalka ayaanu Gacan siinaynaa, laakiin meesha loo socdaa waxa weeyaan Soomaaliya waxay Nabad ka dhici kartaa marka la helo waxa lagu daweeyo dhibaatada Waqooyiga (Somaliland) iyo kala Go’aa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Hore waxa u jiray Wada-hadallo u socday Somaliland iyo Xamar, laakiin Arrinta imika loo socdaa waa in loo wada hadlo Waqooyi iyo Koonfur, markaa Ninkii haya Talo taa ka fiican waanu kuu ducaynaynaa ee keen, Waar Adduun-weynihii baa sidaa raba, innaga oo keligeen ah meel isma taagi karno, Xamar waxba kama nihin, Somaliland-na kama nihin, Puntland-na Warkeedaba Daa’.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews