berberatoday.com
Roobab Waaweyn Oo Shan Carruur Ah Ku Dilay Puntland Iyo Gaadiid Somaliland Ka Tagay Oo Daadad Ku Xanibeen Duleedka Boosaaso
May 17, 2017 - Written by Berbera Today

Puntland(Berberatoday.com)-Roobab xooggan ayaa ka da’ay deegaano ka tirsan Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland,  kuwaasi oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada.

Warka Roobka

Sidoo kale, roobabkaasi ayaa la sheegayaa in ay sababeen dhimashada illaa 5 qof, isla markaana daadadka ka dhashay ay hakad geliyeen isku socodka gaadiidka

Masuuliyiinta maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen roobabku ay Labo Carruur ah ku dileen deegaan120km u jira degmada Qandala oo ka tirsan gobolka Bari, kuwaasi oo jira da’da 8-sano iyo 6-sano.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta Puntland ayaa waxa ay sheegeen Xarfo iyo Burtinle oo ka tirsan gobolka Nugaal in ay saddex carruur ah ku dileen Daadad ka dhashay Roobab waaweyn oo halkaasi ka da’ay.

Dhanka kale, Togga Dur-dur oo magaalada Bosaso u jira 80 KM ayaa Xanibay Gaadiid tiro badan oo ka kala yimid gobolada Puntland, qaarkoodna ka tageen dhanka Somaliland kuwaasi oo  u suurta gelin in toggaasi maraan, maaddaama oo biyaha maraya oo badani ay sababi karaan inay Gaadiidka qaadaan oo ay khasaare sababaan.

Qaar ka mid ah Dirawallada gaadiidka waaweyn ee ku sugan toggaasi ayaa sheegay in muddo lix saacadood ah ay ku xanibnaayeen togga Dur-Dur, isla markaana ayna u suurta gelin in ay safarkoodii sii wataan.

Raxmaadka Alle ee meelaha qaarkood khasaaruhu ka dhashay ayaa ku soo beegmay Xilli Dhulka Soomaalida oo dhan ay ka jirtay Abaar muddo dheer soo taagnayd, taasi oo sababtay in Meelaha qaarkood Dadku Harraad u Geeriyoodaan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews